Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowladda Sweden oo sheegtey inay taageereyso horumarinta baarlamaanka Soomaaliya

$
0
0

dowlo

Muqdisho[RBC Radio]War kasoo baxay dalka Swedan ayaa lugu sheegey in xiligaan dalkaasi ay usoo jeesten sidii ay wax uga qaban lahaayn horumarinta baarlamaanka Soomaaliya.

Gunilla Carlsson oo ah wasiirka Iskaashiga caalamiga ah ee Sweden ayaa sheegtey inay xiligaan doonayan inay Soomaaliya ka taageeran arrimo dhor ah oo ay ka mid yihiin horumarinta baarlamaanka Soomaaliya,oo ay Sweden siin doonto tababaro heer caalami ah si saro loogu qaado xirfadooda.

Gunilla Carlsson ayaa sheegtay inay ka qeyb qaadanayaan dadaallada la xiriira horumarinta baarlamanka Soomaaliya iyo dib u eegista dastuurka KMG ah ee dalka.

Hadalkaan ayey ka sheegtay Gunilla Carlsson kulan ay Muqdisho ku wada yeesheen Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar,waxana ay soo hadal qaadey muddadii sannadka ahaa ee u jirey baarlamaanku inay qabteen wax muuqada,taasina ay keentey inay ku dhiiraddan inay gacan qabtaan baarlamaanka oo ay ka taageeri doonan sidii loo horumarin laha xirfadooda shaqo.

Sidoo kale waxay ku cel celisey Mr.Gunilla Carlsson inay doonayan in xal laga gaaro khilaadka ka dhashey dastuurka KMG-ah oo ay sheegtey inay xubno badan oo Soomaalida ka tirsan ay walac ka muujiyen,balse qorshahoodu tayeened ee ay baarlamaanka Soomaaliya la doonayan inay qeyb ka tahay sidii arrimaha loo xalin laha.

Balan-qaadka xiligaan kasoo yeerey dowladda Sweden ee ku aadan inay tababaro u fidin doonan baarlamaanka dalka,ayaa waxaa uu ku soo aadaya xili dhawaanahaba ay dadaal u galayen hoggaanka baarlamaaka sidii saro loogu qaadilaha xirfadoodda.

Si kasto oo ay noqotaba Sweden ayaa ka mid ah dalalka marti galiyey boqolaal qaxooti Soomaali ah kuwaaso door bidey inay ku nooladan dalkaas.

_____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles