Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweynaha Soomaaliland oo sheegay iney sare u qaadayaan waxbarashada bulshada deegaanadaas si loo joojiyo Tahriibka

$
0
0

siilaanyo 1Hargeysa{RBC Radio} Maamulka Soomaaliland ayaa ku dhawaaqay inuu hormarinayo waxbarashada bulshada ku dhaqan deegaanada uu ka arimiyo maamulkaas si dhalinayarada looga horjoogsado Tahriibka oo sanad waliba ay naftooda ku waayaan boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah.

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisu ay waddo qorshe la doonayo in sare loogu qaado waxbarashada iyo heeerka aqooneed ee bulshada ku nool deegaanada maamulka Soomaaliland.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka dhawaajiyey in dowladiisu ay dhiirigalineyso waxbarashada bulshada ku dhaqan deegaanada uu maamulka Soomaaliland si loo hakiyo Tahriibka faraha ba’an ku haya dhalinta deegaanadaas,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney aaminsan yihiin in hadii sare loo qaado tacliinta iney wax badan ka qaban doonto ka hortagga Tahriibka.

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Siilaanyo ayaa sheegay in hadii ay dhalintu waxbartaan iney noqon doonaan kuwo Xisaabtaa isla markaane garta dhibaatada Tahriibka,wuxuuna tibaaxay in dhalintu ay garan doonaan qiimiga dalka iyo waajibaadka ka saaran, taas oo sida uu sheegay horseedi doonto iney dhalinyaradu noqdaan kuwo dalkooda anfaca kana waantooba u hanqal taagidda Tahriibka.

Maamulka Soomaaliland ayaa bilihii u danbeeyey waday olole oo ku doonayo inuu ku joojiyop Tahriibka oo noqday dhibaatada ugu weyn ee haysata bulshada ku dhaqan waqooyiga Soomaaliya,Tahriibka dhalinta ayaa waxaa loo aanaynayaan shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta deegaanada Soomaaliland.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles