SH/hoose{RBC Radio} Al-shabaab ayaa sheegay iney wiiqeen awoodda dowladda federaalka Soomaaliya,Afhayeenka dhanka hawlgallada Al-shabaab SH C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay iney joojiyeen dhoollatus uu sheegay in madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu ku doonayey inuu ku muujiyo in wadada Xiriirisa Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha hoose ay ku safri karaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.
C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay iney ku qasbeen madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya inuu diyaarad ka raaco magaalada Marka,wuxuuna tilaamay in qorshihiisu ahaa inuu mar labaad dib dhulka ugu soo safro,balse wuxuu sheegay ineu u diyaariyeen ciidan fara badan oo khaarajiya madaxweyne Xasan SH hadii uu dhulka kusoo socdaalo sida uu hadalka u dhigay.
Abu Muscab ayaa sheegay in dowladda iyo AMISOM aysan awood u lahayn iney dhulka marsiiyaan masuuliyiinta dowladda,wuxuuna sheegay in markii madaxweynuhu ka warhelay diyaar gariowga Al-shabaab inuu diyaarad ka raacay Marka,wuxuuna intaa ku daray in madaxweynuhu uu isku aamini waayey in diyaaradiisu ay ku duusho berri isla markaane ay badda dul martay sida uu hadalka u yiri.
Afhayeenka hawlgallada Al-shabaab ayaa sheegay iney caradii ay u qabeen madaxweynaha Soomaaliya sida uu sheegay ay kala dul dheceen waftigii madaxweynaha la socday,wuxuuna sheegay in markii waftigu ay kasoo ambabexeeb magaalada Marka iney deegaanka Shalaanbood kula beegsadeen qarax Miino oo khasaare gaarsiiyey,daqiiqado kadib ayuu sheegay iney Madaafiic la dheceen waftiga dowladda.
Abu Muscab ayaa sidoo kale sheegay iney waftiga qarax Miino la eegteen gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose,wuxuuna sheegtay iney weeraradaas waftigii dowladda ku gaarsiiyeen khasaaro Lixaad isla markaane ay gaadiid fara badan uga gubeen.
Al-shabaab ayaa ku faanay in tallaabada uu madaxweynuhu diyaaradda uga dhoofay magaalada Marka iney daliil u tahay tabar darriida dowladda iyo awoodda ay Al-shabaab leeyihiin,dowladda ayaa beenisay sheegashada Al-shabaab ee la xiriirata iney weerareen waftiga madaxweynaha ee Marka gaaray.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho