Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Qaraxyo iyo rasaas barbar socotay oo xalay laga maqlay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho

$
0
0

muqdisho duqaynMuqdisho{RBC Radio} Qaraxayo iyo rasaas dabasocotay ayaa xalay laga maqlay degmooyin badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,Qaraxyada ayaa laga maqlay degmooyinka Wadajir,Hodan,Xamarweyne iyo Yaaqshid,Kaaraan,Wardhiigley iyo Hawlwadaag, waxaana daba socota rasaas culus oo cabsi iyo welwel ku abuurtay shacabka kunool magaalada Muqdisho.

Qaraxyada ayaa la tilmaaayaa in lagu weeraray fariisimada ay magaalada ku leeyihiin ciidamada booliska dowladda federaalka Soomaaliya oo inta badan fariisino ku leh wadooyinka muhimka ah ee Muqdisho,lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarada qaraxyada iyo rasaasta ah ee Muqdisho ka dhacay.

Saraakiisha ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa ku waramay iney ka hortageen qaraxyo dhowr ah oo Al-shabaab ay daacsanaayeen iney Muqdisho ka fuliyaan,waxayna tilmaameen iney gacanta ku dhigeen gaadiid Miinaysan iyo rag ka tirsan Al-shabaab oo qorsheynayey iney Muqdisho qaraxyo ka fuliyaan.

Qarax Miinada dhulka lagu aaso ah ayaa lala eegtay gaari uu lahaa taliyaha ilaalada garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho,lama sheegin khasaaro ka dhashay qaraxaasi,saraakiisha booliska ayaa ku waramay inuu xaafadda KPP ee degada Hodan ku qarxay ruux ay sheegeen inuu xambaarsanaa waxyaabaha qarxa kaasoo sida ay sheegeen kaligii ku nafwaayey qaraxa.

Ciidamada ayaa qeybo kamid ah magaalada Muqdisho qaraxayada kadib ka bilaabay baaritaano ay ku baadidoonayaan kooxihii masuulka ka ahaa weeraradaas,ciidanka ayaa dhalinyarao fara badan la sheegay iney kasoo qabqabteen xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Al-shabaab ayaa ku sheegtay  war qoraaal ah oo ay soo dhigeen barta ay Twiterr-ka ku leeyihiin masuuliyadda weeraradii xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho,waxayna sheegeen iney 28 qarax Muqdisho ka fuliyeen.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles