Marka{RBC Radio} Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeedaha hoose ayaa waxaa haatan ka socda qaban qaabo loogu jiro kulan ballaaran oo uu madaxweynaha Soomaaliya la yeelan doono masuuliyiinta gobolka Shabeelada hoose iyo qaybaha kale ee Bulshadda qeybaha Bulshada gobolka.
Ammaanka Magaalada Marka ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana lagu daadiyay wadooyinka magaalada ciidanka AMISOM iyo ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, waxayna yaraaday dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadiidka magaaladda marka ee xarunta gobolka Shabeelada hoose.
kulanka uu la qaadan doono madaxweynaha dowladda Soomaaliya maamulka gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa uu kala hadli doonaa sidii loo adkayn lahaa amaanka degmaayinka gobolka iyo sidii loo dardar gelin lahaa xoraynta degmooyinka iyo tuulooyinka Gobolka Shabeedala hoose.
Dhinaca kale madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona odayaasha iyo Bulshadda rayidka ah waxa ayna ka wada hadli doonaa sidii ay uga gacansiin lahaayeen dowladda Soomaaliya nabad ku soo celinta gobolka ayna uga qayb qaadan lahaayeen sidii looga saari lahaa ururka alshabaab goobaha uu hadda kaga sugan yahay gobolka Shabeeladda hoose.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho