Addis Ababa[RBC Radio]In ka badan 300 oo arday oo dhamaysay jaamacadaha kala duwan ee dalka Ethiopia ayaa xaflada qalin jabin ah waxaa loogu qabatay xarunta weyn ee Midowga Africa ay ku leedahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ,waxaana munaasabadaas ay ahayd mid si weyn loo soo agaasimay oo ay ka so qayb galeen siyaasiyiin xilal ka haya dalka ay ardaydaan jaamacadaha ku dhameeyeen.
Ardaydan oo kuliyado kala duwan ka qalin-jabiyay ayaa u badnaa ree Puntland ,iyagoo dhamaystay kuliyado ay kamid yihiin International Relations ,HRM ,Bussiness Adminstration ,Computer Science iyo Sociology,waxaana laga dheehan karay farxad aad u saraysa oo la xiriirta in ay gaareen mid ka mid ah hamigooda .
Munaasabaddan musuuliyiintii ka soo qayb-galay waxaa kamid ahaa wasiirka beeraha iyo dalxiiska Ethiopia ,safiirka South Sudan u fadhiya Addis-Ababa iyo madax kale oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada dalka Ethiopia,kuwaas oo dhamaantood hambalyo u diray ardaydan dhamaysatay jaamacadaha wadankan iyo dhamaan qayb kale ee Soomaaliyeed.
Cabdulaahi Cali Yuusuf oo kamid ah ardayda qalin-jabisay ayaa sheegay in arintan ay guul eyn u tahay isaga ,isla markaana uu dadaal badan u soo galay sidii uu mar un u heli lahaa shahaadada koowaad ee jaamacadda ,isagoo xusay in ardayda Puntland ay dadaal badan muujiyeen,waxaana uu ku nuux -nuuxsaday in Ethiopia ay si gaar ah ugu mahad-celinayaan.
Dhinaca kale xaflad ay si gaar ah u soo agaasimeen ardayda Puntland ayaa waxaa ay ka dhacday hoolka 01 ee xaafadda Booli-mikeel ,taas oo ahayd mid ay ugu dabaal dagayeen guusha ay ka gaareen waxbarashada oo ku qaadatay muddo ku siman Afar sano.
Xafladaas waxa iyadana ka soo qayb-galay masuuliyiin uu kamid yahay ra’isul wasaarihii hore ee DKMG ahayd ee Somaliya C/wali Gaas ,madax ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaare Saacid iyo qunsuliyadda Puntland ee Ethiopia ,waxaana dhamaantood ay halkaa ka jeediyeen khubbado ay ku dhiira-galinayaan ardaydan.
…”‘”"Farxad weyn ayey ii tahay in aan halkan aan idin kala soo qayb-galo munaasabad ay ku qalin-jabinayaan arday badan oo Puntland ka timid aniga oo u mahad-celinaya wadanka Ethiopia oo Soomaalida in badan kacaawiyay …”"”ayuu yiri ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Gaas.
Sidoo kale waxa uu Gaas sheegay in Somaaliya ay maanta u baahantahay dad wax bartay si looga gudbo dhibaatooyinkii adkaa ee soo dhacay intii lagu guda jiray dagaaladii sokeeya ee wadankeena ka dhacay ,isagoo xusay in uu aqoon badan u leeyahay waxbarashada.
Gudoomiyaha ardayda qalin-jabinaysay C/qaadir C/maalik oo isna goobta hadal kooban ka soo jeeiyay ayaa u mahad-celiyay dhamaan dadkii ka taageeray qabsoomidda xafladaasi oo ahayd mid sare ,isla markaana waxaa uu ardayda ka codsaday in ay u istaagaan sidii ay wadankooda hooyo u bad- baadin lahaayeen.
Ugu danbayntii ardaydan qalin-jabisay ayaan ahayn kuwii ugu horeeyay ee dhamaysatay jaamacadaha Ethiopia,waxaana ka horeeyay dufcado kale oo u aad u tiro badan ,kuwaas oo dhamaantood markii ay dhamaysteen waxbarashada dib ugu laabtay dalka Soomaliya si ay u caawiyaan bulshadii ay ka yimaadeen.
___________-
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio