Muqdisho (RBC Radio) Jaamacada Daarul-xikma oo kamid ah jaamacadaha ka jira magaalada Muqdisho ayaa maanta aqoon isweydaarsi usoo xirtay qaar ka mid ah Kalluumeysatada Soomaaliyeed munaasabad si weyn loosoo agaasimay taasoo ay kasoo qayb galeen masuuliytiinta Jaamacada Daarul-xikma iyo masuuliyiinta Iskaashatooyinka Kalluumeysatada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Aqoon kororsigan ayaa waxaa bixinayey aqoonyaho ka tirsan Jaamacada Daarul-xukma waxaana lagu baranayey sida looga faa’iideysto wax soosaarka badda tababarka oo socday 2 cisho ayaa waxaa casharo badan koo ku saabsan ka faa’iideysiga khayraadka badda ku qaatay xubno ka tirsan Kalluumeysatada magaalada Muqdisho.
Xasan Max’uud Mayre oo ah hormuudka Jaamacada Daarul-xikma qaybta Culuumta badda oo ka mid ahaa macalimiintii casharada bixinayey intii uu socday aqoon isweydaarsiga ayaa sheegay in kalluumeysatada ka faa’iideystay duruusta ay bixisay Jaamacada Daarul-xikma ay uga faa’iideeyaan saaxiibadooda kale ee aan nasiibka u yeelan aqoon isweydaarsiga ay bixisay Jaamacada Daarul-xikma ee magaalada Muqdisho.
Kalluumeysatadii loosoo xiray tabbarka ku saabsan ka faa’iideysiga kalluunka iyo khayraadka kale ee dhex ceegaaga badaha Soomaaliya ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin aqoonta ay ka heleen intii uu socday Siminaarka waxayna sheegeen iney ka kororsadeen aqoon badan oo hore uga maqneed iyagoona u mahad celiyey masuuliyiinta Jaamacada Daarul-xikma ee magaalada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho