Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dugsiga Xaaji Cismaan oo Xaflad u Qabtay Ardeydii Ugu Horeysay oo Ka Qalanjebisa Dugsigaas[Sawirro]

$
0
0

SONY DSCQardho[RBC Radio] Waxaa magaalada Qardho laga hirgaliyey Iskuul Hoose dhexe oo lagu wado in ardayda ay wax ka bartaan,waxaana furitaanka Dugsiga Hoose Dhexe Xaaji Cismaan ka soo qeybgalay Maamulka Dowladda hoose Qardho,Gudoomiyaha Gudoonka waxbarashda Degmada Qardho,Culu’maudiinka,Waalidiin,Ardayda lagu furay Iskuulkaasi,Macalimiinta,Maamulayaasha Dugsiyada Sare iyo marti sharaf kale oo aad u badan.

Furitaanka Iskuulka Hoose dhexe Xaaji Cismaan ayaa waxaa ka hadalay ugu horeyntii  Gudoomiyaha Gudoonka waxbarashda Degmada Qardho Siciid Maxamed Faahiye oo si wey u soo dhaweeyey Dugsigaani ku soo biiray Dugsiyada ku yaalo magalada Qardho,waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay aqoonsanyihiin maadama uu soo buuxiyey shuruudihii laga rabay,waxa uu tilmaamay in ay taageerayaan goobaha waxbarashada iyo cid walbo oo u heelan in ay gacan siiso hormarinta waxbarashda Degmada Qardho.

SONY DSC

Shiikh Cabdi Shakuur Aadan oo ka mid ah Culama’udiinka magalada Qardho oo ka hadalay Furitaanka iskuulkaani ayaa sheegay in maamulaha Iskuulka oo ku yaqaano wanaag iyo karti oo u leeyahay habka maamulida iskuulada,illaa waxbarashadiisana ka war hayey dadaaladii uu sameynjiray,waxa unna tilmaamay in iskuulkaan looga baahanyahay in uu soo saaro arday  tayo leh oo anfici kara waalidkooda iyo dadkooda taasina waxa ay ku imaankartaa dadaalka ay muujiyaan Maamulka iyo macalimiinta iskuulka Xaaji Cismaan.

Maamulaha Dugsiga Hoose Dhexe Cismaan Yaasiin ayaa sheegay Ujeeda ay u fureen Dugsigaani in ay tahay tayeenta heerka waxbarasho ardayda,astaanta dugsigana ay tayo Tayo iyo Tacliin si loo helo arday leh aqoon ay ku meel mari karaan,waxa uu xusay in ay fursad siiyeen ardayda wax ka barata Dugsiga in xiliga galabnimada ay u fureen dugsi Qur’aan lagu baranayo dhammaan maadooyinka diiniga iyo Qur’aanka kariimka si lacag la’aan ah taasina ay ugu talagaleen in ay wax laga badalo waxbarashda ardayda dhigata Dusgiga Xaaji Cismaan.

Furitaanka Dugsiga Xaaji Cismaan ayaa ku soo aadaya xilli magalada Qardho sanadkaani ay soo hoysay guulo dhanka waxbarashda iyadoo kaalmaha koowaad ka gashay Tartamadii ka dhacay Puntland Bishii Ramadaan,waxaana Qardho lagu tiriyaa magaalooyinka ugu wanaagsan dhanka wax barashda Somalia.

SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC

_______________________’

RBC Radio
Xafiiska Qardho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles