Muqdisho(RBC Radio) Gudiga arimaha gudaha iyo amniga baarlamaanka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney ciidamada gacan buuxda ka siiyaan la dagaalanka kooxda alshabaab kadib kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen xubnaha gudiha arimaha gudaha iyo amniga baarlamaanka federaalka Soomaaliyey ayey ku sheegeen in sida kaliya ee alshabaab dalka saari karo at tahay iney iskaashadaan shacabka iyo ciidamada.
Gudoomiye ku xigeenka gudiga arimaha gudaha iyo amniga baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in alshabaab ay kasoo horjeedaan nabadda iyo horu marka shacabka Soomaaliyeed wuxuuna hoosta ka xariiqay iney lama huraan tahay in shacabka iyo dowlada oo mideysan iney hal meel uga soo wada jeestaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen dalkane uga saari lahaayeen.
Daahir Amiin Jeesow ayaa ku booriyey shacabka Soomaaliyeed iney u istaagaan sidii ay garab u siin lahaayeen ciidamada dowlada Soomaaliya oo dagaal kula jira ururka alshabaab oo sheegtay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo galaaftay nolosha mawaadiniin bada oo Soomaaliyeed.
Gudoomiye ku xigeenka gudiga arimaha gudaha iyo amniga baarlamaanka Daahir Amiin Jeesow ayaa shacabka ugu baaqay iney soo sheegaan ragga ka tirsan kooxda shabaab kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya gudaha magaalada Muqdisho si looga guulwysto dalkane looga sifeeyo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho