Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Suldaan Mahad Maxamud Xirsi oo Soo dhaweeyey shirka ka furmaya London,sheegayna in xiriir usan ka dhaxen madax dhaqameedka iyo xukumaada Somaliland.

$
0
0

Hargeysa[RBC Radio] Suldaan kamid ah Madax dhaqameedka maamulka Soomaaliland ayaa ka ra’yi duwanaaday madaxda maamulkaasi kadib markii qar ka mid ah madax dhaqamedka Soomaaliland ay Soo dhaweyen isu soo hor fadhisiga Soomaaliland iyo Soomaaliya.

Suldaan Mahad Maxamud Xirsi oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland ayaa xili uu la hadlay qar ka mid ah warbahinta gudaha waxaa uu sheegay inay soo dhawaynayaan shir walboo Soomaali ay ku wada hadlayso,taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay mid dhalin kartaa isu soo dhawaanshaha Soomaalida.

Suldaan Mahad ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in umadda Soomaaliyed ay tahay mid an kala marmi karib isla markana ay ka madxa dhaqamed ahaan ay soo dhaweynayan waxii dani ugu jirto umadda ayna tahay arrin wanaagsan oo dhalinkarta isu soo dhawaanshaha Soomaalida mustaqbalka dhaw iyo kan fog intaba .

Suldaanka ayaa sidoo kale ka hadlay shir dhawan ka furmu doona marka lagaaro bisha May magaaladda London kasii oo loga hadlidoono arimo Soomaalida quseya waxana uu caddeyey in ay shirkaasi uu uga muqdo wanag ayna soo dhaweynayan maadama uu yahay shir xalka Soomaaliweynta loga hadlayo.

Suldaan Mahad ayaa rajo xumo ka mujiyay xiriirka ka dhexeeya madax dhaqameedka iyo xukuumadda Siilaanyo waxana uu sheegay in in xiriir muuqda aysan lahayn.

“Madax dhaqameedka deegaanada Soomaaliland marwalba waa ku wo jecel danta umadda Soomaaliyed waxana an so dhaweynaynaa shir walba oo lugu raadinayo xalka Soomaalida,xukumada hadda ka dhisan Soomaaliland iyo madax dhaqameedka Soomaaliland majiro wax xiriir muuqda ah oo ka dhexeya xukuumadi tan ka horaysay waxaa ay madax dhaqameedka Soomaaliland ay ku lahayeen door muqda oo hadda ay san ku laheen”waxaa sida hadalkisa ku sheegay Suldaan Mahad Maxamud Xirsi.

Hadalka suldaanka ayaa kusoo beegmaya xili madaxda Somaliland ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aadan shirka bisha May ka furmaya London iyagona sheegeyna ineysan ka qeyb-galeynin maadaama uu yahay shir Soomaaliya kaliya lagu casuumay somaliland ey tahay Dowlad madax bananaan.

Waxaa la filayaa dhawan inuu magaaladda London ee caasimada dalka Briten inuu ka furmo shir loga hadlayo arimahaa Soomaalida kasi oo qor shuhu yahay in maamulka Soomaaliland uu ka qayb galo in kasto madaxda maamulkaasi ay sheegen in wali an loo kenin ajandaha shir,halka dowladda faderaalka Soomaaliyana laso garsiyay dhawan arimaha lagawada hadli doono iyadoona madxaweyn Xasan Sh.maxamuud uu shir guddumiye noqon doono.

 

 Iimaan Maxamed Jaamac 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles