Dhuusamareeb{RBC Radio} Masuuliyiinta maamulka ahlu sunna waljamaaca ayaa faah faahin ka bixiyey tallaabadii ay dhammaan ciidamadooda ugu wareejiyeen dowladda federaalka Soomaaliya,gudoomiyaha Saddexda gole ee ahlu sunna waljamaaca SH Ibraahim Xasan Guureeye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in arintaasi ay la xiriirto dhaqan gelinta heshiiskii ay wada gaareen dowladda federaalka iyo maamulka ahlu sunna bilowgii sanadkan.
SH Ibraahim Xasan Guureeye ayaa sheegay iney si buuxda ciidankii ahlu sunna ugu wareejiyeen wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya oo uu sheegay iney ballan qaaday bixinta Mushaharaadkooda iyo daryeelka kale ee ay u baahan yihiin ciidanku.
Gudoomiyaha golayaasha ahlu sunna ayaa tibaaxay in ciidanka ahlu sunna ay hoostagi doonaan Qaybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo dib u hawlgalinteedu ay xiligan ka socoto gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya,wuxuuna xusay in ciidankaasi uu ka xil wareegay maamulka ahlu sunna waljamaaca.
SH Ibraahim Xasan Guureeye ayaa tilmaamay in culima udiinka ahlu sunna ay si weyn u taageersan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya,wuxuuna dhanka kale soo hadal qaaday shir ay ku baaqday dowladda Soomaaliya oo 7da bishan ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo lagu casuumay culima udiinka Soomaaliyeed.
Shirkaas oo ajandihiisu yahay ka wacyi galinta bulshada Soomaaliyeed hagardaamooyinka alshabaab sida uu hadalka u dhigay SH Guureeye ayaa wuxuu tilmaamay iney shirkaas dhaliilsan yihiin kadib markii sida uu sheegay ay dowladdu xaqirtay oo ahlu sunna ay ka casuuntay 20 ruux oo kaliya.
SH Ibraahim ayaa sheegay iney mudan yihiin in ergo intaa ka badan shirka laga siiyo maadaam ay ummadda Soomaaliyeed intooda badan ahlu sunna yihiin iyagune ay yihiin culimadii ummadda sida uu hadalka u yiri.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho