Kampala{RBC Radio} Midowga Afrika ayaa maanta xarunta wadanka Ugaandha ee magaaladda Kampala ugu soo xiray tababar ay casharro ku qaadanayeen saraakiil ka tirsan ciidamadda dowladda Soomaaliya ,waxayna casharo ku soo qaateen hormarinta, is fahanka iyo u adeecsanaanta sharciyadda caalamiga ah ee lagu ilaaliyo xuquuqdda aadanaha.
Tababarkan maanta lagu soo gaba gabeeyey magaalada Kampala ayaa waxaa loo soo gunaanaday ku dhowaad lixdan sarkaal oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya, waxana tababarka fududeeynayay qeybta Qaramada Midoobe xaquuqul-insaanka u qaabilsan ee UNSOM iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee xaquuqul Insaanka.
Tababarka ayaa billowday 20-kii bishan waxaana saraakiisha ka qaybgashay tababarka casharro lagu siiyay dhowrista dadka rayidka ah,sharciyadda lagu dhaqmo waqtiyadda ay colaadu jirto iyo dhowrista maxaabiista lagu qabto dagaallada, iyo arimo kale.
Wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan dalka Soomaaliya Maxamad Salax Annadif ayaa u mahad celiyay qeybta arrimaha siyaasadda ee guddiga Midowga Afrika kaa soo maalgeliyay tababarka maanta usoo idlaaday saraakiil ka tirsan ccdamadda dowladda Soomaaliya.
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan dalka Soomaaliya ayaa dhanka kale u mahad celiyay dowlada wadanka Ugaand oo marti gelisay tababarka.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho