Nairobi[RBC Radio]Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdrixmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa wali booqosho ku jooga dalka Kenya gaar ahan magaaladda caasimada ah ee Nairobi.
Dr.Faroole madaxweynaha Puntland ayaa intii uu kusugna dalka Kenya waxaa uu shirar kale gadisan la qaatey wakiilada beesha caalamka ka jooga magaaladda Nairobi iyo masuuliyin kale oo uu kala hadley arrimaha Puntland.
Madaxweyne Faroole ayaa kulan ballaaran magaaladda Nairobi kula yeeshey 25 safiir oo ka socda wadamada Yurub iyo EU,waxana inta uu kulanka socdey laga hadley arrimo dhor ah oo ay ka mid yihiin xaaladda ka jirta dhulka Puntland iyo xiriirka waddamada Yurub iyo EU.
Faroole inta uu kulankaan socdey waxaa uu warbixin kooban ka bixiyey xaaladda ka jirta deegaanada Puntland,waxana uu si cadd u sheegay in arrimo badan xiligan isbadal laga sameeyey lana doonayo horumarka Puntland.
Xubnihii u la hadley 25 safiir ee kulanka madaxweynaha la qaatey,waxaa ay dhinacooda sheegen inay Puntland kala shaqeeyn doonan sidii ay horumar muuqda kaga gaari laheed baahiyaha xiligaan ka jirka.
Sidoo kale waxaa ay soo dhaweeyen kulanka madaxweynaa,waxana ay ku tilmaamen inu yahay mid ay waxbadan kaga ogaaden arrimaha xiligaan ka jira Puntland iyo doorka ay iyagu ka ciyaari doonan horumar dhulka ka hana qaada.
Socdaalka madaxweyne Faroole uu ku joogo Nairobi ayaa la sheegey inuu ka danbeeyey kadib markii uu casumaad rasmi ah uu ka heley wasiir ku-xigeenka arrimaha dibada dalka Talyaaniga iyo safiirka Talyaaniga ee dalka Kenya jooga.
Waxaa sidoo kale la sheegey in madaxweyne Faroole uu la shirey madaxda Talyaaniga ee dalka ay isku arkeen,waxana madaxweynaha uu kala hadley sida la caddeyey mashaaric ay dowladda Talyaanigu kawaddo gudda Puntland.
Madaxweyne Cabdirixmaan ayaa sii wadi doona inta uu kusugan yahay Nairobi shirarka iyo kulamada uu la leeyahay madaxda caalamka ujoogta Nairobi.
_____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio