Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Hay’adda nabad sugidda Soomaaliya oo xalay baaritaano ka fulisay suuqa Bakaaraha

$
0
0

degdegaaaaMuqdisho{RBC Radio} Ciidamada qalabka sida ee dowladda jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya ayaa xalay galinkii dambe howlo baaritaano ah ka sameeyey Suuqa ugu wayn Soomaaaliya ee Bakaaraha, waxayna ku soo qabqabteen dad badan oo looga shakisan yahay in ay gacan saar la leeyihiin ururka alshabaab.

Howlgalka oo ay samaynayeen ciidamo si gaara loo tababaray oo ka tirsan Hay’adda nabadsugida qaranka ayaa xalay saqdii dhexe waxay ka bilaabeen gudaha suuqa Bakaaraha howlo baaris ah, waxayna si gaar ah u baarayeen Hoteeladda iyaga oo ka soo qabqabtay 27 ruu oo lagu tuhmayo in ay ka tirsanyihiin ciidamada alshabaab,

Baaritaanada ay xalay hay’adda nabad sugida dowlada Soomaaliya  ka sameeysay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in ay ku soo qabatay Rag Soomaali iyo Ajinabi isugu jira kuwaas oo jiifay qaar ka mid ah hoteelada ku yaalo  suuqa Bakaaraha

Hay’adda nabad sugudda ayaa tilmaamtay in ay heshay macluumaad ku saabsan Raggan xalay la soo qabtay kuwaas oo donayay in ay magaalada Muqdisho ka fuliyaaan falal liddi ku ah amaanka, iyadoo shaaca ka qaaday  hay’addu in ay hayso qalab ay wateen raggan kaasi oo xaqiijinaya in ay ka tirsanyihiin ciidamada alshabaab.

howlgalkaan ay xalay ka samaysay hay’adda nabad sugidda Soomaaliya ayaa waxa uu ka qayb yahay howlgalo ay samaynayeen ciidamada amnigu waqtiyadii aynu ka soo gudubnay, waxayn hay’addu sheegtay in ay baaritaano ku samaynayso dadkan ayna markaas kadib saxaafadda usoo gudbin doonto wixii ka soo baxa baaritaanada.

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdosho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles