Galdagob (RBC Radio) Guud ahaan waxaa maalmahan Booqasha rasmi ah ku joogey Magaaladda Jigjiga ee Caasimadda Ismaamulka Soomaalida Itoobiya wafti balaaran oo ka socda Dowladda Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed, Weftigaas oo ka koobnaa Wasiirro, Issimo, Ganacsato iyo xubno ka tirsan qaybaha kale ee maamulka.
Waftigan Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa waxaa hogaaminayey Wasiirka Shaqadda iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle (Indho-guran) waxaaney soo dhaweyn diiran kala kulmeen dhamaan Masuuliyiinta Madaxda u ah iyo Shacabweynaha Dowlad Deegaanka Ismaamulka Soomaalidda Itoobiya. Waftigan ayaa markii ay guda galeen safarkooddii shaqo waxay kala hadleen Madaxda maamulka DDSI sidii la isaga kaashan lahaa ama kor loogu qaadi lahaa Xiriirka dhinacyadda Ganacsiga, Waxbarashadda , Amniga, isu socodka iyo sidii loo joogteyn lahaa wadda shaqeynta labadda maamul ee Puntland iyo DDSI.
Waftiga Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa loogu deeqay deeq Waxbarasho Jaamacadeed oo tiradeedu dhan tahay ilaa 75 ardey sanadkan iyo isu socodka safarada Ganacsiga oo ay qubaro ku xeel dheeri hab loo qorsheeyey isla meel dhigeen. Waxaa kaloo uu Wasiirka Shaqadda iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle (Indho-guran) uu kala hadley sidii loo sameyn lahaa Waddo isku xirta labadda Caasimadood ee Jigjiga ilaa Garoowe , ka dibna sii aada Caasimadda Ganacsiga ah ee Boosaaso.
Dhanka kale xog laga helay masuuliyiin ka tirsan DDSI ayaa sheegay inay xiligan jirto Waddo howsheedu ama dhismaheedii in muddo ah ay soo socotey sannado ka horna labada maamulee DDSI iyo Puntland ku heshiiyeen taas oo ahayd Waddo isku xirta magaalooyinka Garacad, Galkacyo , Galdogob ilaa Caasimadda Jigjiga ee DDSI ay ka soo gasho . lama garan karo xilligan hadalka Wasiirka inuu uga jeedo Waddadii hore ha la bedelo iyo inay tahay Mid cusub oo ay ka codsadeen Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayuu sii raaciyey masuulkaas ka tirsan DDSI.
Wasiir Cabdiwali Indhan-guran iyo waftiga la socdaba dhawaan ayay ku laaban doonaan Deegaanka Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed, intii ay joogeen DDSI waxay la kulmeen Jewi aad u farxad geliya iyo gurigoodii labaad.
Caasimada Galbeedka Mudug
Galdogob, Soomaaliya
Cawrala qoricuud
Qoricuud@Gmail.com
Twitter: @Qoricuud
Facebook: Nuxnuxdiid