Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Taliyaha Taraafikada Puntland Axmed Qalyare: 6-dii bilood ee Ugu danbeysay 1340 Shil baa ka dhacay Puntland !!

$
0
0

01418Boosaaso[RBC Radio] Taliyaha Ciidamada Taraafikada ee Puntland Mudane Axmed Cabdi Cali”Qalyare” ayaa shaaca ka qaaday in gebi ahaanba ay yaraadeen Shilalkii Gawaaridha ee ka dhici jiray deegaanada Puntland.

Taliye Axmed Qalyare oo Saxaafadda gudaha la hadlaayey maanta ayaa sheegay in Sanadkaan ay aad u yaraadeen Shilalkii ku imaan jiray Gaadiidka Puntland kuwaas oo ay ka dhalan  jireen Khasaare weyn.

Taliyaha Ciidamada Taraafikada ee Puntland ayaa sheegay in lixdii bilood ee ugu danbeysay deegaanada Puntland ay ka dhaceen shilal gaaraya dhacay 1340 shil kuwaas oo sababay khasaare Isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

…””6-dii bilood ee hada ugu danbeeyey  Shilalka Puntland ka dhacay 1340 shil ayaa ka dhacay oo kala duwan sida kuwa khasaare keenay iyo kuwa aan  khasaare keenin….””ayuu sheegay.

Wuxuu sheegay in Shilalkaas dhacay ay ka yar yihiin kuwii Sanadkii hore ee 2012 ka dhacay deegaanada Puntland.

Taliye Axmed Qalyare ayaa tilmaamay in Sababta ugu weyn ee Shilalka ku keena Gawaarida ku kala gooshta deegaanada Puntland ay tahay :

  1. Wada Gaariga
  2. Wadada Gaarigu ku soconayo.
  3. Mas’uuliyada darada Wadaha Gaariga.
  4. Cimilada dhulka ee Gaarigu ku Safraayo.

Wuxuuna tallo ku soo jeediyey Taliyuhu in Shilalka ka dhaca deegaanada Puntland lagu yareyn karo iyadoo la helo Dareewalo tayo iyo aqoon  leh.

….””  Shilalka sida ugu wanaagsan ee loo yareyn karo waxa weeye in la helo dareewalo aqoon leh isla markaana haysata Shahaadadii wadida Baabuurta,inta uu Puntland joogo dareewal aan leesan lahayn shilku wuu badanayaa….””ayuu yiri.

Wadooyinka Iyo Gaadiidka

Taliyaha Ciidamada Taraafikada ee Puntland Mudane Axmed Cabdi Cali”Qalyare” ayaa sheegay in Wadooyinka kuyaala deegaanada Puntland iyo Gaadiidka Isaga kala goosha ay kala badan yihiin oo Gaadiidku tira bateen taasina ay keeneyso Shilal joogto ah.

…”” Wadooyinka Iyo Gaadiidka Puntland  ku sugan iskuma filna,Wadooyinku waa burbursanyihiin  waana Ciriiri,Gaadiidka Puntland ku sugana si aad ah ayey usoo kor dhayaan hase yeeshee dowladdu shaqo badan bey ka qabatay….””ayuu yiri.

Taliye Axmed Qalyare ayaa xusay in Ciidamada Wadooyinka deegaanada Puntland aysan ku filneyn shaqada adage e hortaala taasoo uu sabab uga dhigay tiradooda iyo qalabkooda oo yar.

Shilalka ugu badan ee ka dhaca deegaanada Puntland ayaa  eeda waxaa dusha looga tuuraa Dareewalada Gaadiidka,waxayna qudhoodu ku doodaan in dowladdu ka gaabisay hagaajinta Wadooyinka oo burbursan taasina ay keeneyso Shilal joogta ah.

 

____________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles