Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Kulan looga hadlayo nabadda iyo wacyi-galinta oo Gaalkacyo Hay’adda Horn of African Center for Peace ugu qabatay Culimada diinta G.Mudug[Sawirro]

Image may be NSFW.
Clik here to view.
ka qeyb galayaasha kulanka

ka qeyb galayaasha kulanka

Gaalkacyo[RBC Radio]Magaaladda Gaalkacyo waxaa ka dhacay kulan weyne ay hay’adda maxaligaa ee Horn of African Center for Peace oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan (HACP) qabatay kaaso looga hadlayay nabadda iyo wacyi-galinta iyo doorka culimaa’udiinka gobolka Mudug ay ku leeyihiin ,waxana ka soo qeyb galey illaa siddeetameeyo ka mida culimada gobolka Mudug oo isugu jiray Imaamyada masaajidda iyo culimada kale ee deegaanka.

Kulan kaan ayaa magaaladda Gaalkacyo kasocdey muddo labo maalmood ah,waxana lugu falan qeeyey arrimaha uu quseyey kulanka inta uu socdey,waxana furitaankiisi iyo xiriitankiisaba ka hadley guddoomiyaha gobolka Mudug oo dah furkii shirka sheegey inuu yahay mid muhiid weyn ugu fadhiya bulshada.

Hay’adda (HACP) oo taageero ka helaysay Hay’adda caalamigaa ee FCA – Finland ayaa qeyb waxay kulan kaga dhigtey kulamo iyo shirar ay ku qabato guddaha dalka iyo guud ahanba gobolka Mudug.

Furitaanki shirkaan ayaa madaxdda hay’adda iyo qeybihii ka soo qeybgaley waxaa ay jeediyeen hadalo la xiriira mowduuca looga hadlayo,waxana shirka hadal daar daaran ah ka jeediyey Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud,waxana uu xubniihi shirka ka soo qeyb galay ku booriyey inay kala faa’iidaystaan, isla markaana ku dhiiri-galiyay wixii laga wada hadlo inay bulshada u sii gudbiyaa.

Culimada diinta kulankan nabadda,wacyi-galinta iyo doorka culimada kaga aaddan ayaa ka ka la yimid deegaanada gobolka Mudug,waxana mudda uu kulanka socda lugu qabtay hoteel Saylaan ee magaaladda Gaalkacyo oo xarun uu ah gobolka Mudug.

Sidoo kale muddadii uu kulanka socdey ayay culimadu soo bandhigeen doodo iyo xog-is-dhaafsi ku aaddan qaabka ugu habboon ee ay kaga qayb qaadan karaan nabad-galyada iyo wacyi-galinta bulshada.

Waxaa ay culimada iyo Imaamyadii kulan ka qeyb galey ay soo jeediyen inta uu shirka usocdeey muxaadarooyin diini ah iyo doorkii taariikhiga ahaa ee culimada ay ka soo qaadan jireen xaslinta bulshada deegaanka.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud oo casharada bixinayay madaxna ka ah hay'adda (HACP).

Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud oo casharada bixinayay madaxna ka ah hay’adda (HACP).

Culimada diintku waxaa ay siweyn ugu mahad celiyay hay’adda Horn of Afrikan Center for Peace iyo hay’addii taageerada ay ka heshayba, waxaana halkaasi isaguna culimada dhankooda doorka ay ku leeyihiin bulshada ku ammaanay Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud oo casharada bixinayay madaxna ka ah hay’adda (HACP).

Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey)guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa gabagabadii kulanka soo xirey,waxana uu hay’adda maxaligaa ee Horn of African Center for Peace ku ammaanay mid inta badan ka shaqeysa arimaha nabad-galyada oo ah waxa loogu baahi badan yahay xiligan la joogo.

Guddoomiyihu waxaa uu hadalkiisa kusoo qadey in shir weynahan uu ahaa mid inbadan bulshada gobolka Mudug wax ka badali kara,ayna door muhiim ah Culimo awdiinku ka qaadan karan ammaanka iyo horumarka gobolka.

Si kasta oo ay noqotaba hay’adda Horn of African Center for Peace ayaa muddadan danba qabaneysey kulamo kala gadisan oo ay ka qeyb galayeen qeybaha bulshada.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC00735

 

Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC00735

 

Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC00739

 

Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC00763

 

Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC00736

Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC00745

 

Image may be NSFW.
Clik here to view.
2

 

Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC00760

___________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Trending Articles