Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa Gudoonsiiyay Jaamacada Bariga Africa faraceeda Garoowe Dhul dhan 3KM kaasi oo ku yaal Waqooyiga Magaalada Garoowe qaybna ka ah taageerida Waxbarashada Puntland oo kor loo qaado sida uu Madaxweynuhu sheegay.
“Maanta waxaan ku talagalnay inaan muujino xiisaha aan u qabno in dhulkan looga faa’iideeyo xaga Tacliinta dhulkan baaxada leh waxaan rajeynayaa in sida ay tahay looga faa’iidaysto waxaana ku wareejinay oon ugu deeqnay Jaamacada Bariga Africa waana rajeynayaa in ay kor u qaado tayada waxbarasho ee Dalka waliba laga dhiso Qayb Caafimaadka ah oo Jaamacada Hoos timaada, waad la socotaan Bulshadan wax walba ayeey isugu jirtaa qof fiican iyo mid xun hadaba waa in aan bulshada tacliinta u siyaadinaa si looga gudbo falalka argagaxa leh ee dadka qaarkii lagala kulmo taasi oo sabab u ah jahliga, Warqada aqoonsiga dhulkan waxaa idinku wareejin doona Duqa degmada garoowe waana in si deg deg ah aad u bilowdaan Dhismaha” Sidaana waxaa yiri Madaxweynaha Puntland.
Gudoomiyaha Jaamacada bariga Africa Faraca Garoowe Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo halkaasi ka hadlay ayaa ka mahadceshay Dhulka ay ku wareejisay Dowlada wuxuuna cadeeyey in fursadan ay uga faa’iidayn doonaan dhankooda Dhalinyarada wax barashada jecel ee dalka ku sugan, wuxuuna sheekhu ku baaqay in Jaamacadaha dalka isha lagu hayo oo ay jiraan dhismayaal hor leh oo ay wadaan iyo waxbarashada Jaamacada oo tayeyn lagu sameeyey si dhalinta loogu qanciyo in aysan Dibadaha Jaamacado u aadin balse dalkooda hooyo ay ka helayaan Adeeg Jaamacadeed oo dhameystiran, wuxuuna ugu dambayn ka mahadceshay Dhulka lasiiyay isagoo sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan dhismaha Jaamacada.
Jaamacada Bariga Africa oo ah Jaamacadii ugu horeesay ee laga furo Puntland ayaa dhulkan la gudoonsiiyay wuxuu u noqonayaa kii labaad oo ay Garoowe ku yeelato iyadoo Hogaanka Jaamacada iyo Aqoonyahanada Gobolka Nugaalba ay si diiran usoo dhaweeyeen Dhulka intaa baaxada le’eg ee Jaamacada lagu wareejiyay.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.