Garoowe[Sawirro]Madaxweyaha dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed (Faroole) ayaa maantey xili uu ka dhoofayey isaga iyo wafi lasocdey garoonka diyaaraddaha ee Garoowe waxaa uu ka hadley arrimo badan oo ay ka mid yihiin sida ay ka yeeli doonto xukuumadiisa doorashada soo sacota ee Puntland.
Madaxweyne C/rixmaan Faroole waxaa uu si cadd u sheegey in marlabadd uu isu so taagi doono xilka madaxtinimo ee Puntland,maadama xukuumada xiligaan uu hoggaamiyo ay u harsan tahay muddo bilo ah.
Faroole waxaa uu dardaaran xoogan usoo jeediyey odayaasha dhaqanka Puntland ee la doonayo inay soo xulaan xubnaha ka mid noqonaya xildhibaanada baarlamaanka Puntland,kuwaaso xiligaan qaban qaabadooda laga dareemayo gobollada Puntland.
…”‘”Odayaasha dhaqanka maadama iyaga lugu soo ceeliyey soo dhisida dowladda oo nidaamki xisbiyada badnaa ee dimuquraadiyada ay buur buriyeen kooxo anu hadda sheegen,waxan kula dar daarmayaa inay soo xulaan qof karti leh,wadaniyiin ah oo dastuurka waxa ku qoran waa faqsan,oo an balwad laheen qaad cuniin khamrina cabiin,una ka mid ahaayena kooxaha dalkooda loo soo adegsadey,mana doonayno mid ka mid argigixiso iyo burcadbadeed ee waxan doonayna qof wadani ah oo xilkas ah dadkiisa iyo dalkiisa daacad uu ah…”"”ayuu yiri madaxweyne Cabdirixmaan.
Waxaa uu madaxweynuhuu sheegey in dalka horumar uu horseedi karo qof ay dhab katahay wadiniyadnimada iyo rabitaanka dalkiisa iyo dadkiisa.
…”‘”Qofka ka mid noqonaya xildhibaanada tirada yar ha noqddo mid wadiniyad nimadu ay dhab ka tahay dal jaceel iyo rabitaanka dad jaceelka ay ku jirto,ee yaanan la soo xulin qof dalka sii duminaya oo an dacad ka ahyeen wadaniyadnimadiisu…”‘”ayuu kula dar darmey madaxweynuhu odayaasha soo xulaya xildhibaanada badali doona kuwa xiligaan ka jira Puntland.
Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole waxaa uu sidoo kale maantey markii ugu horeysey ka hadley hamigiisa kaga aadan inuu markale qabto hoggaanka dowladda Puntland.
Dr.Faroole waxaa uu si cadd u xaqiijiyey inuu doonayo markale inuu qabto kursiga madaxtinimo ee Puntland kaaso hadda uu kasii sal ka cayo maadama ay u hartey muddo yar oo sannadka ina soo aadan ay dhici doonto doorashada madaxtinimada Puntland.
Madaxweynuhu waxaa uu hadalkiisa ku sheegey in xukuumadiisa inta joogta ee dastuuriga ah inay tar tami doonan,waxana uu fariin u diray masharixiinta kale ee doonaysa xilka madaxtinimo ee Puntland ee ka baqdey sida uu isaga hadalka u dhigey doorashadii la doonayey inay ku timaado hanaankii xisbiyada inay kaga adkaan doonan doorashadan ku dhicii doonta habkii lugu soo dhisey xukuumada uu xiligaan hoggaamiyo.
…”‘”Anagu xukuumadayada maanta joogta inta dastuuriga ah wan tar tameena,ciidii ka baqdey inan kaga adkaano doorashadii asxaabta ,waxan u maleeynaya tanaan kaga sii xoog badnaan doona ,hadee iyaga ayaa yaqan sidii ay u tashan lahaayen,laakin nin na u diidi mayno inuu tar tamo balse waxaa laga marmaan ah qofka tar tamaya laftirkiisu waa inay yihiin qof layaqaan oo nadiif, wixii la oran jiray ma ahaa anna waa i kan majirto,miiska wixii imaanaya waan soo dhaweenaya danbi an galin intaa hadda dhibaatadii naga hor jogsatey dorashadii asxaabta kana madax banaan danbiyadii ka dhacay dalka…”"”ayuu yiri madaxweyne Faroole mar uu lahadley saxaafada inta uu san ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee Garoowe oo uu maantey ka aadey Nairobi.
Halkaan ka Dhagayso Madaxweynr Faroole oo shaaciyey inyy yahay musharax
Faroole waxaa uu sidoo kale soo hadal qaadey inay adkeen doonan xiliyada doorashadu dhacayso ammaanka magaaladda Garoowe,waxana uu tilmaamey inaysan jiri doonin cid hub ku dhex qadan karta guddaha magaaladda lagana hortagi doono cid kasto isku deyda fal ka baxsan ammaan,waxana uu madaxweynuhu ugu baaqey bulshada Puntland inay dhamantood ka shaqeeyan xoojinta ammaanka.
Hadalka madaxweyne Faroole ee ku aadan inuu markale utaagan yahay madaxtinimada Puntaland ayaa ku soo aadaya xili lugu wado,bisha January, 2014 in guddaha Puntland ay ka qabsoonto doorashada madaxtinimada Puntland oo ay soo dooran doonan baarlamaanka xiligaan qaban qaabadisa magacaabis ay socoto.
___________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio