Garoowe[RBC Radio]Waxaa goor dhaweed gaarey degmada taarikhiga ah ee Taleex kana tirsan gobolka Sool wafti uu hor-socdo madaxwene ku-xigeenka maamulka Puntland, Jen. C/samad Cali Shire.
Waftigaan ayaa la sheegey inuu isugu jiro dhinacyo badan oo kastirsan xukuumada dowladda Puntland.
Degmada Taleex ayaa saldhigg uu ah maamulka Khaatumo,waxana halkaa kusugan hogaano kastirsan Khaatumo.
Madaxwene ku xigeenka maamulka Puntland, Jen. C/samad Cali Shire iyo waftigiisa ayaa la sheegey in si diiran luugu soo dhaweeyey degmada,waxana wararku intaa ay ku darayaan inuu kulamo laleeyahay madaxweyne ku-xigeenku waxgaradka,uqaasha,issimaha iyo qeybaha bulshada ee ku nool Taleex.
Maalmihii ugu danbeeyey ayaa lahadal hayey inuu waftigaan gaari doono degmada Taleex,inkasto an wali wax laga ogeen in Jen. C/samad Cali Shire uu la kulmi doono masuuliyinta Khaatumo ee iyagu ku sugan Taleex.
Wixii faah faahin ah kala soco Raxanreeb.com
__________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com