Baydhabo(RBC Radio) Banaanbax looga soo horjeedo gudoomiyaha cusub ee ay dowlada Soomaaliya u magacowday gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow boqolaal ruux ayaa socod dheer ku maray wadaooyinka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kuwaas oo ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah gudoomiyaha cusub ee xukuumada Soomaaliya ay u magacowday gobolkaas.
Dadweynaha dibadbaxa dhigayey ayaa muujinayey sida ay u diidan yihiin gudoomiye Hoosow oo dhawaan xilkii gobolka kala wareegay gudoomiyihii ka horeeyey C/fataax Ibraahim Geesey waxayna ku dhawaaqayeen dooni maybo Cabdi Aadan Hoosow.
Waxayna shaaca ka qaadeen in bulshada gobolka Baay aysan u cuntameen in dusha looga keeno cidda hogaamineysa waxayna cabasho ka muujiyeen xil ka qaadista lagu sameeyey gudoomiyihii hore C/fataax Ibraahim Geesey iyagoona tibaaxay in gudoomiyaha cusub uusan ku imaan rabitaanka shacabka gobolka Baay.
Munaasabad Ballaaran oo dorraad lagu qabtay magaalada Baydho oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirada arimaha gudaha iyo gaashaandhiga ayaa waxaa xilalka kula kala wareegay gudoomiyaha cusub ee gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow iyo C/Fataax Geeseey oo ahaa gudoomiyihii hore ee gobolka Baay oo ay diowladu xil ka qaadis ku samaysay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho