Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wada-hadalladii Jubbaland iyo DFS oo wali qodobo la isku diidan yahay , Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil iyo wasiirka arrimaha guddaha oo ku soo birey ergadda dhanka dowladda

$
0
0

WAR-HADA-SOO-DHACAY-RBC13

Addis Ababa[RBC Radio]Magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Ethopia waxaa wali ka socdda wada-hadall dhawaanahanba u socdey dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland,waxana lugu doonayey wada-hadalladda in lasoo gaba gabeeyo muranka siyaasaded ee dhexyaala dowladda iyo maamulka Jubbaland.

Wada-hadalladan oo intooda badan qodobadii lagawada-hadlley la isla gartey luguna hishiiyey ayaa waxaa wali la isku mari la’yahay labo qoddob oo ka mid ah qoddobadii hor yaaley labada dhinac ee wada xaajodku usocdo.

Illaa hadda waxaa lugu heshiin la’yahay magaca uu yeelan doono maamulka ka kooban saddexda gobolka,waxana ergada wada-hadallka ee dhanka dowladda faderaalka ay ka biyo diiden magaca Jubbaland,iyagoona cod sadey in magaca labadalo.

Qoddobka kale ee wali an wax hishiis ah laga gaarin ayaa waxaa uu yahay in qeybaha harey ee maamulka ay dhisidiisu dowladda wax ka yeelato,inkasto maamulka Jubbaland ay arrintaasi ka hor yimaaden kuna tilmaamen inaysan sura gal ahyeen in ay dowladda qeyb ka noqoto inta dhiman maamulka.

Kulan dhexmarey habeenimaddii xaley labada dhinac ee wada-hadallka ku jira ayaan wax guul ah laga gaarin,wadda hadall badan iyo fikir is dhafasho kadib waxaa lugu balamey in lakala hurdo doonto maaddaama an wax natiijo ah wali la gaarin.

Wada-hadallka DFS iyo Jubbaland oo wax guul ah laga gaarin

Wada-hadallka DFS iyo Jubbaland oo wax guul ah laga gaarin

Iyadoo an wali wax guul ah laga gaarin wada xaajoodka ayaa waxaa magaaladda Addis gaarey wasiirki hore ee dastuurka haddana ka mid ah xildhibaanada baaralamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil,waxana uu qeyb ka noqon doona xubnaha wada-hadallka kula jira Jubbaland ee dhinaca dowladda.

Sidoo kale waxaa maantey lugu waddaa inuu Addis Ababa gaaro Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlada federaalka Cabdikariin Xuseen Guuleed,lamana ogaan karo waxaa ay kabadali karaan is marin waaga dhexyaala wali dowladda faderaalka iyo Jubbaland.

Maanta ayaa lugu wada in ay mar kale is arkaan ergada labada dhinac ka socota, iyadoona ay jirto in caadaadis lugu saarayo inay sida ugu dhaqsiyaha badan xal gaaran dowladda iyo Jubbaland.

Si kasto oo ay noqotaba soo afjaridda wada-hadallka dowladda faderaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa waxaa hor taagan oo kaliya labo qodob oo ay ergadda dhinaca dowladda ula muuqato inay muhiim utahay walow ay wali diidan yihiin ergada Jubbaland,maanta ayaa laga dhowraya waxaa ay wada gaaran labada dhinac.

__________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles