Gaalkacyo{RBC} Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dadaalada lagu doonayo in gobolada dhexe ee dalka loogu sameeyo maamul midaysan inuu marayo heer gabogabo ah,wasiirka arimaha gudaha maamulka Galmudug Axmed Xasan Baasto ayaa sheegay in qorshaha maamulka loogu samaynayo gobolada dhexe inuu marayo meel wanaagsan.
Axmed Xasan Baasto ayaa in dabayaaqada bishan loo ballansan yahay in magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo xeeb lagu qabto shir horu dhac ah oo ay ka qaygalayaan dhammaan maamulada ka jira gobolada dhexe,wuxuuna xusay in intaa kadib qorshuhu yahay in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud lagu qabto shirweyne lagu dhisayo maamul midaysan oo ay yeeshaan bulshada gobolada dhexe.
Wasiirka arimaha gudaha maamulka Galmudug ayaa tilmaamay in dhammaan maamulada ka jira gobolada dhexe la siiyey waqti ay ku qabsadaan shirar dhexdooda ah si ay shir weynaha ula yimaadaan go’aan ay ku midaysan yihiin,wuxuuna xusay in bulshada ku dhaqan gobolada dhexe iney u bislaatay midaynta hogaanka,xoogga iyo fikirkaba .
Baasto ayaa intaa ku daray maamulka Galmudug uu dadaal dheer u galay sidii ay gobolada dhexe u yeelan lahaayeen maamul leh awood oo ay ku midaysan yihiin dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanadaas,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in maamulkiisu uu sii wadi doono isku keenida bulshada gobolada dhexe.
Dhowr isdaba joog ah oo loogu gogol xaarayo shir weyne lagu dhiso maamul goboleed ay ku midaysan yihiin gobolada dhexe ee dalka ayaa bilihii u danbeeyey lagu qabanayey magaalada caasimadda Muqdisho iyo deegaano ka tirsan gobolada dhexe.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho