Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Culima udiinka ahlu sunna oo markale ku celiyey ineysan raali ka ahayn maamulka loo magacaabay gobolka Galgaduud

$
0
0

ahlu sunna  7Dhuusamareeb{RBC Radio} Maamulka Culima udiinka Ahlu sunna waljamaaca ayaa markale ku celiyey ineysan aqbalayn maamul aysan iyagu talo ku lahayn in loo magacaabo gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya,Macalin Maxamuud SH Xasan Faarax oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee ahlu sunna ayaa sheegay ineysan raali ka ahayn in maamul aan ku imaan rabitaankooda loo magacaabo gobolka Galgaduud.

Macalin Maxamuud ayaa sheegay ineysan qaadan karin in dad aysan iyagu u idman iney masuul ka noqdaan gobolkaas dusha looga keeno,wuxuuna hoosta ka xariiqay in culima udiinka ahlu sunna ay dhibaato badan kasoo mareen  xaqiijinta nabadgalyada gobolkaas ayna mudan yihiin in iyaga looga danbeeyey wixii maamul dhisid ah sida uu sheegay.

“Marnaba ma ogolin in cid aanaan rog rogin oo aanaan ku qancin loo soo magacaabo gobolkan,ma aha inaan qof gaara beegsanayno”ayuu yiri Macalin Maxamuud SH Xasan Faarax.

Macalin Maxamuud ayaa tilmaamay in dadka deegaanka iyo Culima udiinka ahlu sunna oo hogaaminaya ay dadaal badan kusoo bixiyeen difaaca deegaanada gobolkaas,wuxuuna xusay in sidaas darteed ay iyagu tixgalin leeyihiin loona baahnaa in laga tala galiyo cidda masuuliyadda u qabanaysa,wuxuuna si cad u sheegay in hadii maamul la iska soo magacaabayo ay taas macnaheedu yahay inaan la aqoonsaneen ahlu sunna sida uu hadalka u yiri.

Wuxuuna dhanka kale beeniyey warar soo baxaya oo sheegaya in culima udiinka ahlu sunna ay ku kala qaybsameen maamulka cusub ee dhawaan dowladda Soomaalia ay u magacowday gobolka Galgaduud ee gudoomiyaha uu u yahay Xuseen Cali Wehliyo Cirfo.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles