Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasaarada Caafimaadka Puntland oo wali ka hortagaysa cudurka Dabaysha .

$
0
0

Tallaaalka14

Garoowe (RBC RADIO) Wareegii 6aad ee ka hortaga Cudurka Dabaysha ayeey Wasaarada Caafimaadka Puntland iclaamisay in 19ka bishan dib looga bilaabi doono deegaanada Puntland iyadoo Talaalka la siin doono Ilmaha ka yar 10ka Sano, Si looga hortago in Cudurku uu soo Gaaro Deegaanada Puntland.

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cali C/laahi Warsame oo Saxaafada la hadlay wuxuu sheegay in Wasaarada Caafimaadku aysan wali ka daalin talaalida Caruurta tan iyo inta laga xaqiininayo in uusan Dalku joogin Ubad aan talaalnayn maadaama ay masuuliyad ka saran tahay Caafimaadka Dalka Alle ka sokow,wuxuu kaloo Wasiirku sheegay in heegan la gelshay Shaqaalaha Caafimaadka si ay Gobolada Degmooyinka iyo Tuulooyinkaba ay u gaaraan ubadkana u talaalaan.

 

Wasiirka Caafimaadku wuxuu waalidiinta ka codsaday in ay ka shaqeeyaan Dhawrista Caafimaadka Ubadkooda lana shaqeeyaan bahda Caafimaadka si himilada Wasaarada looga dhabeeyo,Wasiirku wxuu kaloo ugu baaqay Kooxda Caafimaadka ee Wasaarada Matalaya in ay muujiyaan Dulqaad iyo in ay Fasiraad badan ka bixiyaan waxa ay wadaan si dadka looga qanciyo wax yaabaha been abuurka ah ee qaar kood laga dhaadhiciyay.

 

Tan iyo intii Uu cudurkan ka dilaacay gobolada Banaadir iyo Hiiraan waxay Wasaarada Caafimaadka Puntland ku jirtay Heegan xoogan iyo ka hortag adag si Gobolada Puntland looga hor istaago in cudurkani uu soo gaaro,inkastoo Degmada Laacaanood ee gobolka Sool laga helay hal Qof oo cudurkaasi u liita.

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles