Gaalkacyo[RBC Radio]Xarunta gobolka ee magaaladda Gaalkacyo waxaa saxaafadda shir ugu qabtey guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur iyo duqa degmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad,waxana ay labada masuul ay faah faahiyeen xaaladda ammaan ee gobolka iyo horumarka xiligaan lala doonayo degmada caasumada uu ah gobolka Mudug ee Gaalkacyo.
Shirkaan ay qabteen maamulka gobolka iyo kan degmada ayaa u jeedkiisu uu ahaa sidii ay dadweynaha gobolka wax uga ogaan lahaayen xaaladda amni iyo mida horumar ee ka jirta gobolka iyo degmadaba.
Ugu horeenti waxaa saxaafadda la hadley guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur,waxan uu guddoomiyuhuu hadalkiisa kaga hadley ammaanka gobolka Mudug gaar ahaan kan degmada Gaalkacyo.
Axmed Muuse Nuur guddoomiye ku-xigeenka gobolka waxaa uu sheegey in ammaanka uu xiligaan marayo meel wanagsan inkastoo ay jiran falal iska yar oo mararka qar dhaca kuwaaso dilal qorsheysan iyo qaraxyaba ay isugu jiraan.
Guddoomiyaha waxaa uu si cadd uu u sheegey in ciidamada ammaanka ee Gaalkacyo ay ku dhiiran yihiin sidii ay uga hortagi lahaayen cid kasta oo isku daydda inay qal qal galiso ammaanka kajira xiligaan magaaladda.
…””"Ammaanka Gaalkacyo waxaay la qabtaa amniga goboladda dalka,inkasto xiligaan uu wanagsan yahay,balse waxaa jirta isku xirnan ammaan xumo oo markii ay koonfurta dalka ay wax ka dhacaan Gaalkacyana waa ay ka dhacaan…”””ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug.
Waxaa uu sidoo kale hadlkiisa uu baaq ugu direy shacabka gobolka isagoona ugu baaqey inay ciidamada kala shaqeeyan ammaanka si looga guul gaaro cid kasto isku deyda inay dhib geesato.
Dhinaca kale waxaa isna shirkaan jaraa’id hadal ka jeediyey duqa degmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad kasoo dhankiisa ka warbixiyey horumarka iyo qorshayaasha xiligaan ka degsan.
Duqa degmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad waxaa uu sheegey in mudadaanba ay ku howlanaayen dhismayaal kala gadisan iyo dayactir iyagoo sare uqaadaya bilicda iyo nadaafadda degmada.
Waxaa uu ugu danbeenti sheegey inay dayactirayaan laamiga dhexqaada magaaladda kasoo bur bur uu ka muqad,waxana uu sidoo kale sheegey inay dhawaan bilami doona dhismaha labo jid oo mid laami yahay kasoo dhex qaadi doona ama laga hirgalin doono xaafadda Garsoor ee magaaladda Gaalkacyo taaso baahi dhanka laamiga ah ay ka jirto.
Inkasto xiligaan maamulka degmada Gaalkacyo ay sheegen inay wadaadan dhismayaan jiddad waa weyn oo qar kood ay yihiin laami hadda magaaladda Gaalkacyo waxay ka mid tahay magaalooyinka Puntland kuwaado horumarka bilicdda ku talabsadey.
Hoos ka daawo muuqal ay shabakada Raxanreeb.com idin kaga soo diyaarisey shirka jaraa’id.
__________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo