Garoowe (RBC RADIO) Dhisme ku fadhiya dhul dhan 35×22 oo Masjid laga dhisayo ayaa maanta lagu dhagax dhigay Xarunta Madaxtooyada ee Garoowe waxaana loogu talagalay in ay masjidka ku tukadaaan Shaqaalaha iyo Madaxda ku sugan Madaxtooyada maadaama Xaruntu aysan lahayn wax Masjid ah Markii horena aan qorshaha lagu darin Dhismayaasha Weyn ee Madaxtooyada markiii la dhisayey in la raaciyoXarun Masjid.
Madaxweynaha Puntland iyo Culumaa’udiin kale oo wehliyay Ayaa dhagax dhigay Masjidka meesha laga dhisayo, Madaxweyne faroole oo hadlay wuxuu yiri masjidkan waxaanu u dhsnay in aale lagu caabudo laguna cibaadeysto waxaana ka faa’iideysan doona buuyiri 1000 Qof oo kal hore meel ay ku tukadaan waayay isagoo bulshada ka codsaday in ay ka qayb qaataan dhismaha Masjidkan ajarna ka helaan.
Culumadii Meesha ka hadashay oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Axmed Daahir iyo Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf waxay labadaba sheegeen in Masjidkani uu bilic qurxoon u yahay Madaxtooyada oo Qasrigaa weyn ee dhisan uusan hurayn in uu helo goob Alle loogu mahadcesho laguna Caabudo, Culumadu waxay sheegeen in laabtooda ay ka guuxeesay in Madaxtooyadu hesho Masjid Weyn oo Waasac ah dadka iyo hay’adaha Islaamiga ahna waxay ugu baaqeen in ay ka qayb qaataan dhismaha Masjidkaasi.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.