Istanbuul{RBC Radio}Dowlada wadalka Turkiga ayaa sheegtay in ay go’aansatay sii wadida gargaarkii ay siin jirtay wadanka Soomaaliya,waxaana ay tilmaamtay in aysan waxba u dhibi doonin qaraxyada ismiidaaminta ee lala beegsado xarumaha Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho.
Diblamaasi sare oo ka tirsan wasaarada arimaha dibada wadanka Turkiga ayaa wakaalada wararka ee daily news u sheegay in gargaarkii ay siinjireen Shacabka Sooomaaliyeed ay meeshiisa ka sii wadayaan wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in ay ku dadaali doonaan sidii uu usii socon lahaa Caawinaada ay siinayaan dadka Soomaaliyeed.
Masuuulkan sare ee dowlada Turkiga u hadlay ayaa tilmaamay in qaraxyo ay soo abaabuleen dad aan dooneyn horumarka wadanka Soomaaliya ay si toos ah u beegsadaan xarumaha shaqaalaha Turkiga ee ku yaal magaalada Caasimadda ee Muqdisho.
Diblamaasigan ayaa sheegay in madaxda dalka Turkiga ay marar badan ku celceliyeen iney ka go’an tahay garab istaagga Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay in Turkigu uu isku hawlayo sidii uu kaalin weyn uga qaadan lahaa soo celinta xasiloonidii iyo kala danbayntii dalka Soomaaliya.
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa ku nafwaayey qarax alshabaab ay ku qaadeen xarun ay Turkigu leeyihiin waxayna ku goodiyeen in ey beegsan doonaan shaqaalaha Turkiga hadii aysan si deg deg ah faraha ugala bixin hagardaamaynta ummadda Soomaaliyeed sida ay sheegeen.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho