Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasaaradda Ganacsiga oo sheegtay in ganacasatada Soomaaliyeed uu u furan yahay maalgashiga dalka

$
0
0

astaanta calankaMuqdisho{RBC Radio}Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumada Federaalka  Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in uu u furanyahay maalgashiga dalka dhammaan Ganacsatada Soomaaliyeed ee jecel in ay dalka maalgashadaa,waxayna wasaaradu sheegtay iney kala arinsan doonto ganacsatada Soomaaliyeed sidii ay dalkooda u maalgashan lahaayeen.

Waxaa arintaas tafaasiil ka siiyay warbaahinta La taliyaha Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Axmed Maxamed Isaaq,isaga oo tilmaamay in ay ku dadaali doonaan sidii ay ugala tashan lahaayeen Ganacasatada Sooomaaliyeed habka loo wajihi doono Maalgashiga Shisheeye,wuxuuna sheegay in ay taasi horseedi doonto horumar ku yimaado ganacsiga Dalka Soomaaliya.

Lataliyaha Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa xusay in  uu fududayn doono sharcigan sidii ay ganacsatada Soomaaliyeed xiriir ula samayn lahaayeen Shirkadaha Shisheeye ee danaynaya in ay maalgasi ku sameeystaan dalk.

Lataliyaha Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadah  ayaa dhanka kale sheegay in ay socodaan qorshayaal loogu talagalay dhiiri gelinta Ganacsatada Soomaaliyeed sidii ay dib ugu dhisi lahaayeen Warshadihii ay lahayd Soomaaliya.

warkan kasoo baxay Lataliyaha Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa ku soo beegmaya xilli ay ganacsato badan oo Soomaaliyeed aad udanaynayeen maalgashiga dalka Soomaaliya

 

 

 

 

 RBC Raio

Xafiiska Muqdisho 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles