Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Qarax Miino oo maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe

$
0
0

qarax miinoMuqdisho{RBC Radio}Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa kusoo waramaya in maanta halkaa uu ka dhacay qarax Miinada dhulka la galiyo ee meelaha fog fof laga hago ah,qaraxa ayaa la tilmaamay in lala eeganayey Kolonyo gaadiid ah oo ay saarnaayeen masuuliyiinta maamulka gobolkaas.

Qaraxa ayaa la sheegay iney ka badbaadeen masuuliyiintii maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ee bartilmaameedku ahaa,balse waxa ay waxyeelo kasoo gaartay dad rayid ah oo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay oo ahayd xaafada Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar.

Inta la xaqiijiyey 2 ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxa Miino ee maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe,afhayeenka maamulka gobolkaas Daa’uud Xaaji Cirro ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in bartilmaameedka weerarkaas uu ahaa masuuliyiinta sar sare ee gobolkaas.

Wuxuuna ku eedeeyey masuuliyadda isku daygaas la doonayey in lagu khaarajiyo masuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha dhexe iney ka danbeeyeen alshabaab,afhayeenka ayaa intaa ku daray iney jiraan qaraxyo badan oo ay fashiliyeen sida uu sheegay.

Alshabaab oo lagu eedeeyey iney ka danbaysay masuuliyada weerarkan ayaan ilaa hadda wax war ah kasoo saarin,walow ay hore u sheegeen iney beegsan doonaan masuuliyiinta dowladda Soomaaliya

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho.

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Trending Articles