Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Dowlada Britian oo sheegtay in Alshabaab ay boob u geeysteen deeq ay ugu tala gashay Dadka Soomaaliyeed

Image may be NSFW.
Clik here to view.
uk
London{RBC Radio}Dowlada ingiriiska ayaa sheegtay  in xarumo bada oo Hay;adaha gargaarka ay ku lahaayeen Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya  qalabkii yaalay ay qaateen Shabaab.

Waaxda dawlada Biritan u qaabilsan hormarinta caalamiga ah ayaa xustay in agab saad ah ay soo dhiibtay xukuumada Biritab oo ay ugu tala gashay in la siiyo dadka danyarta ah ay ka qaateen xarumaha Hay’adaha gargaarku  ku leeyahay  Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Waaxda Hormarinta caalamiga ah ee dalka UK ayaa ku qiyaastay qalabka ay  Shabaab ka qaateen xarumaha Hay’adaha  ka shaqeeya Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya  in ay gaarayaan  480 kun oo Pound.iyadoo intaa ku dartay Waaxdu in qalabka Shabaab ka qaatay xarumah Hay’adah qaar ka mid ah ay gubeen halka kuwo kalana ay ka qaateen halkaas.

Afhayeen u hadlay waaxda Hormarinta Caalamiga ee dalka Biritan ayaa tilmaamay inuusan jiri doonin waqti kale oo lagu lumiyo agab loo soo diro Soomaaliya qatar badana ay ka jirto ,wadan  Soomaaliya..

Dowlada dalka Biritan ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay waxay ku dadaalaysay caawinta Shabacka dhibaataysan ee Soomaaliyeed iyada oon la tilmaami karin waxa iska bedeli doona deeqihii  iyo caawintii ay u fidinjirtay dalka Soomaaliya.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles