Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Faahfaahin: Diyuurada ay Lahaayeen Ciidamada Cirka Dalka Itoobiya oo ku Gubatay Gegida Diyuuradaha ee Aadan Cade

$
0
0

WAR HADA SOO DHACAY RBCMuqdisho (RBC Radio) Waxaa maanta dayuurad ku gubatay gudaha gegida diyuuradaha magaalada muqdisho.

Warar dheeraad ayaa waxa ay sheegayaan in diyuuradaas ay lahaayeen ciidamada cirka ee dalka Itoobiya.

Diyaarada ayaa sida la shegayo waxaa sarnaa ilaa Lix qofood

Waxaa geeriyooday Afar kamid ah dadkii saarnaa, halka Labo kamid ahna ay ku dhaawacmeen.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska AMISOM ee Muqdisho ayaa sheegay in ay baaritaan wadaan cilada ku timid diyuuradaan oo markii ay soo daganeysay uu dabka qabsaday.

Dad goobjooyaal ah ayaa waxa ay Raxanreeb.com u sheegeen in diyurada ay luihii usoo bixiwaayeen kadibna ay shafka dhulka dhigatay.

Diyuuradaan oo soda la xaqiijiyey ay laheyd ciidamada cirka ee dalka Itoobiya ayaan ilaa hada ogaan waxa ay waday, cida ay waday iyo danaha ay u timid Muqdisho intaba.

Dowlada Fedraalka Soomaaliya wali kama aysan hadlin shilkaan.

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles