Beledweyne(RBC Radio)Wafdi uu hogaaminayay wasiirka wasaarada gaashaandhiga dowlada dalka Jabuuti Xasan Baraar Hufane taliyaha ciidamada xooga dalka Fatxi Axmed Xuseen iyo abaan duulaha ciidamada Jabuuti Sakariye Shiikh Ismaaciil oo gaaray maanta magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Waxaa sidoo kale wafdiga la socda danjiraha u fadhiya dowlada Jabuuti dalka Soomaaliya Danjire Dayib Dabbad Rooble.
Wafdiga oo ay garoonka Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyeen wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi masuuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika oo ka socda dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti
Wafdiga markii uu garoonka ka soo degey ayaa waxaa loo qaaday xarunta ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti ay ku leeyihiin Magaalada Beledweyne, iyadoo wasiirka uu warbixin ka siiyay wax qabadka ciidanka Jabuuti oo ka mid ah AMISOM taliyaha ciidanka jabuuta Cor.Cismaan Dubbad Sugule.
Cor.Dubbad ayaa sheegay wax yaabaha u qabsoomay ciidanka Jabuuti laga bilaabo markii ay tageen Gobolka Hiiraan illaa hada isaga oo tilmaamay in ay wax badan ka qabteen xaaladaha amni ,iyo is dhex galka Bulshada Hormarinta iyo u gargaarida Dadka danyarta ah.
wasiirka oo kormeer ku tegey xerada ciidamada militeriga gaaska 5aad ee lamagalaay, halkaas oo ay ciidanka jabuuti ku tababaraan ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa Booliska ah, iyadoo meeshaas ay dib udhis ka wadaan ciidamada aan walaalaha nahay ee dalka
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho