Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/Raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa Caawa ku dhawaaqay in Berito ay tahay Maalin Ciid ah isagoo umada Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey Munaasabada Ciidul fidriga, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Bisha laga arkay meelo ka mid ah Dalka Soomaliya iyo Dadalalka Muslimiinta Qaarkood Sidaa darteedna ay berito xaqiiq tahay in Dadku ay Ciidaan farxad iyo Rayn-raynah ay wada wadaagaan.
“ Anigoo ku hadlaya Afka Xukuumada Puntland waxaan halkaan hambalyo ku saabsan ciidul Fidriga uga dirayaa dhamaan Umada soomaaliyeeed oo aan leeyahay Kullu Caam wa antum Bikhayr, Sanadkaan kiisa kale ku gaara Nabad Barwaaqo Isku duubni iyo Isjacayl, waxaan sidoo kale salaan gaar ah u dirayaa Shacabka Reer Puntland Shaqaalaha Dowlada iyo Ciidanka Amaanka waxaana leeyahay alle garabkiina ha galo Sanad Barwaaqo ayaan alle ka rajeynaynaa Insha-Allah- Sidaana waxaa yiri Madaxweynaha Puntland.
Qaybo ka mid ah magaalooyinka Waawayn ee Puntland ayaa si xawli ah waxaa uga socda Takbiirta iyadoo dadku ay isugu hambalyeynayaan maalinta Ciida, Wadooyinka waawayn ee Deegaanada Puntland waxaa hareeraheeda dhooban dad badan oo gadanaya Dharka ciida iyo Caruur dhararsan Gaarista Berito si ay qayb uga noqdaan Musaasabada Ciida Dadka u dabaaldagaya.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.