Muqdisho(RBC Radio) Wasaarada adeega bulshada xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay deeq waxbarasho oo ay ka heshay dowladda dalka Yemen,wasiirka wasaarada adeega bulshada xukuumada Soomaaliya Marwo Maryam Qaasim oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa faah faahisay deeq waxbarasho oo Soomaaliya ay ka heshay dalka yemen.
Maryam Qaasim ayaa sheegtay in dowladda Yemen ay Soomaaliya ugu deeqday Waxbarasho lacag la’aan ah oo gaaraysa 100 arday,waxayna tilmaantay iney iskugu jirto 90 arday oo Bachelor ah iyo 10 arday oo Waxbarashada sare ah.
Wasiirada ayaa sheegtay in deeqdan waxbarasho ay si siman oo cadaalad ah u wada helin doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool gobolada dalka,Waxayna sheegtay in 20 arday ay wasaaradu u qoondeysay in la siiyo ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen kana baxay dugsiyada sare.
Maryam Qaasim ayaa intaa raacisay in 12 arday ay ka imaan doonaan deegaanada waqooyiga Soomaaliya ee Soomaaliland,13 ardayne ay ka imaan doonaan Puntlkand halka 45ka kalane ay ka dhaxayso gobolada kale ee dalka,waxayna sheegtay iney u saartay qaadista Imtixaankaas gudi ka kooban 9 xubnood oo ka madax bannaan wasaarada.
Maryam Qaasim ayaa tilmaantay in isdiiwaangalinta ardayda ka faa’iideysanaysa fursadan waxbarasho ay 10ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtiga ah ka bilaaban doonto xarunta wasaaradda ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Wasiirada adeega bulshada xukuumada Soomaaliya ayaa xustay in deeqdu ay ku kooban tahay kuraasta waxbarasho,waxayna shaaca ka qaaday in ardaydu ay iska bixin doonaan qarashka Safarka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho