Garoowe[RBC Radio] Wasaaradda Waxbarashada Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegtay in Shahaadada Waxbarashada Puntland lagu tagi karo wadamo badan.
Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed oo Saxaafadda kula hadlaayey magaaladda Garoowe ee caasimada Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyey cida Is hortaagtay Shahaadada Waxbarasho ee Puntland.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
DHAGEYSO Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed
Wuxuu sheegay in Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay tahay cida Is hortaagtay Shahaadada Waxbarasho ee ardeyda reer Puntland ku tagi jireen dalka Suudaan.
….””Group-yar oo kooban ayaa Suudaan u tagayey oo rabsho abuurayey oo ku jiray iney caqbadeeyaan Shahaadada Waxbarashada Puntland…””ayuu yiri.
Mudane Maxamed Cabdiwahaab Axmed ayaa tilmaamay in dawladda wadanka Suudaan ay tahay dawladda kaliya ee ugu badan deeqaha Waxbarasho siiya Ummada Soomaaliyeed.
Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Puntland ayaa Waalidiinta ardeyda Dugsiyada iyo bahda Waxbarashada Puntland ku wargeliyey in dawladda Soomaaliya ay Joojisay Shahaadadii Puntland ee dalka Suudaan balse wadamada kale waxbarasho loo aadi karo.
….”” Waxaan wargelinaynaa ardeyda reer Puntland ee Dugsiyada sare dhameystay iyo kuwa hada dhiganaya iyo bahda Waxbarashada in Shahaadada ee Dugsiyada sare meesha laga xanibay oo dhibaatadu ay ku jirto ayna dawladda Federaalku ay ka xanibtay caqabadna gelisay waa dalka Suudaan meel kale maahan….””ayuu yiri.
Wadamo badan ayaa la tagaa!!!
Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed ayaa cadeeyey in ardeyda reer Puntland ay wax ka bartaan wadamada farabadan sida Ruushka,Shiinaha,Kenya,Itoobiya,India,Maleysia,Uganda iyo Yemen
…..””” Shahaadadeenii dugsiyada sare ee horey loogu tagi-jiray Wadamada Waxbarashada u aado sideedii ayaa loogu tagayaa,waxaan u sheegayaa Waalidiinta iyo ardeyda in Shahaadada Dugsiyada sare ay ku aadi karaan oo Carruurtooda u dirsan karaan meel kasta oo Waxbarasho awal loogu aadi jiray……””ayuu yiri Wasiirku.
Dalalka Waxbarashada.
….”” Waxaa lagu tagaa Ruushka,waxaa lagu tagaa Shiinaha oo boqolaal ardey oo reer Puntland ah ku dhiganayaan,waxaa lagu tagaa India oo ay ku dhiganayaa ardeydeenii,waxa lagu tagaa Maleysiya,Uganda,Yemen,Itoobiya,Kenya,…”””ayuu yiri.
Dawladda Puntland gaar ahaana Wasaarada Waxbarashada ayaa sheegtay in dawladda Federaalka ay Is hortaagtay Shahaadada Waxbarashada Dugsiyada sare ee lagu tagi jiray dalka Suudaan.
_________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio