Muqdisho(RBC Radio)Siyaasiga Cismaan Xasan Cali Caato oo shalay gabbal dhicii ku geeriyooday Hoygiisa Magaalada Muqdisho ayaa maanta loogu sameeyey aas aran oo ay ka qaybgaleen madaxda dowlada Soomaaliya caasimadda Muqdisho.
Suldaan Yuusuf oo ka warbixiyey sida uu u dhacay aaskii qaran ee loo sameeyey Allaha unaxariistee marxuun Cismaan Xasan Cali Caato ayaa sheegay in cisbitaalka Madiina ay kula tukadeen maydka marxuunka boqolaal ruux salaadii Janaasada intaa kadibne Meydkiisa loo qaaday xarunta madaxtooyada villa Soomaaliya oo ay ku sugnaayeen madaxda dowladda ugu saraysa iyo masuuliyiin kale.
Suldaanka ayaa sheegay in markii lagaarsiiyay Maydka Cismaan caato xarunta Madaxtooyada soomaaliya duco halkaas loogu sameeyey,Ducadaas oo ay ka qayb galeen Madaxda qaranka iyo Dadweyne aad u tiro badan.
Meydka Marxuum Cismaan Xasan Cali Caato ayaa waxaa markii danbe loo qaaday degmada Hiliwaa Halkaas oo lagu aasay,aaskiisa ayaa waxaa ka qaybgalay dad aad u fara badan.
Cismaan Xasan Cali Caato ayaa mudo badan kusoo dhex jira siyaasada dalka soomaaliya isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihihii kumeel gaarka ahaa ee lagu soo unkay dalalka dariska,wuxuuna xiligan ku hawlanaa dhisme Garoon diyaaradeed oo uu ka dhisayey Koonfurta magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho