Gaalkacyo [RBC Radio] Magaaladda Gaalkacyo waxaa la sugayaa maanta inay soo gaaraan wafdi xildhibaanaa oo ka tirsan dawladda Federaalka ee Soomaaliya.
Xildhibaanadan ayaa la tilmaamayaa inay galabta ka soo dagaan garoonka diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf Gaalkacyo, iyagoo ka soo duulaya magaaladda Muqdisho.
Xubnaha xildhibaanad ah ayaa la tilmaamaya inay tiro ahaan gaarayaan illaa 10 xubnood oo dhammaantood ka soo jeeda Puntland.
Xildhibaanadaan ayaa la sheegey inuu hor kacayo xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo mar R/wasaare ka soo noqday Soomaaliya gaar ahaanna dawladdii uu M/weynaha ka ahaa Dr. Cabdiqaasim Salaad Xassan,sida ay warbaahinta guddaha ka soo xiganayeen xaqiijinta warka afhayeenka waftiga xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare).
Ujeedka socdaalka xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa lugu sheegey inuu quseyso xallinta khilaafka Puntland iyo dawladda federaalka,kaaso muddadan danbe cirka isku shareerayey.
Madaxda sar sare ee Puntland ayaa dhor mar eedemo kulul usoo jeediyay dowladda faderaalka iyagoona sheegey inay xiligaan ay gees mareyso arrimo badan dowladda.
Xildhibaanadan ayaa sidoo kale la sheegaya inay galidoonan arrimaha siyaasaded ee xiligaan Puntland ka taagan iyagoona dhex dhaxedin iyo saxid sameen doona.
Wararka socdaalka xildhibaanada faah faahsan kala soco Raxanreeb.com
___________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo