Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Puntland oo si kumeel-gaar ah u hakisay Xiriirka Dowlada Federaalka.

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Warsaxaafadeed kasoo baxay Xarunta Madaxtooyada Puntland ayaa lagu shaaciyay in Puntland ay hakisay Xiriirkii ay la lahayd Dowlada Somaliya inta laga hirgelinayo 3 Qodob oo saldhig u noqon doona in Xiriirkaasi uu dib usoo laabto markaasi oo raja laga qabi karo in markale 2da dhinac uu isfaham dhex maro.

Qodobada Puntland ay ku xirtay dib usoo celinta xiriirka 2da dhinac ayaa waxaa ka mid ah.

1, in dib loosoo celiyo Dastuurkii Saxdaa ahaa ee lagu sameeyey Garoowe oo Soomali oo idil ay isku raacday lana hakiyo midka aan sharciga waafaqsanayn oo Dowladu ay ku dhaqmeyso.

2,in Maamul Goboleedyada oo idil lagala kaashado oo fadhi laga yeesho hadii wax laga bedelayo Dastuurka ayna noqdaan kuwo leysku ogyahay oo aysan cidina gaar u maamulaneyn.

3, in Deeqaha lagu soo helayo Magaca Soomaalida si Xaq oo dhexdhexaad ah loo qaybiyo iyadoo laga fogaanayo Gacan maroorsiga iyo Boobka lagu hayo Hantida lagu soo qaato magaca shacabka Soomaaliyeed.

Hadaba intii ay qodobadaasi ka hirgalineyso dowlada Soomaaliya waxaa si Kumeel-Gaar ah loo hakiyay Xiriirkii 2da dhinac u dhexeeyey waxaana hadalkani lagu sheegay Qoraal ku qoran Afka Englishka oo kasoo baxay Xarunta Madaxtooyada Puntland.

Warsaxaafadeedka Ay Puntland soo saartay ayaa lagu sheegay in Puntland la aas-aasay 1998dii intaa wixii ka dambeeyeyna ay Soomali oo dhan intifaacsanayeen Barwaaqadeeda iyadoo aan dib loo eegeyn wixii dhacay, Sidoo kalana Puntland lagu qabtay Shirarkii lagu lasameynayay Dastuurka Dalka iyo hirgelinta Federaalka, waxaa kaloo la xusay in Puntland ay 21sano kadib hirgelisay in Gobolada dalka ay hal meel isugu yimaadaan oo loo qabto tartanka Kubada Cagta, sidaa darteedna aysan u qablmin in laga hor istaago wax yaabaha ay xaqa u leedahay Puntland.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay kadib markii Puntland aragtay in Dastuurki lagu Xadgudbay kadib markii ay muuqatay in la hor istaagayo Ardaydii Waxbarashada bilaashka ka ah heshay iyadoo lagu xujeeyey in ay la yimaadaan shahaadada Dowlada Federaalka ee Xamar, Taala kadib karkii laga baxay dhamaan heshiisyadii kala duwanaa ee Dowlada Soomaliya  la gashay Puntland kadib markii lagu guul-dareystay ku dhaqmida Federaaliisimka waxay Dowlada Puntland markale Warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay in la hakiyay xiriirkii iyo wada shaqayntiiay ay la lahayd Dowlada Somaliya inta laga helayo Hirgelinta Qodobadaasi.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Khudbadii ugu dambeesay ee Madaxweynaha Puntland uu jeediyo ee Sanadguuradii 1da Augost uu sheegay in Dowlada Federaalka ay ku wada Mehersan yihiin Dastuurka Dalka hadii kaasi wax laga bedelona uusan Meher isku qabaneyn 2da dhinac sida uu Mudane Faroole Hadalka u dhigay.

Puntland ayaa dhawr jeer ku goodisay in ay Xiriirka u jari doonto Dowlada Soomaliyeed hadaan wax laga qaban wax yaabaha ay tabaneyso waxayna tani timid iyadoo xiriirka 2da dhinac uu maalmihi ugu dambeeyey aad u liitay.

RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles