Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dawladda Puntland oo Sheegtay Ineysan la Socon Heshiiska Dhexmaray Dawladda Iyo Shirkada Holland Laga Leeyahay [VIDEO]

$
0
0
] Wasiirka Dekedaha,Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Burcadbadeeda Puntland Eng Siciid Maxamed Raage

] Wasiirka Dekedaha,Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Burcadbadeeda Puntland Eng Siciid Maxamed Raage

Boosaaso[RBC Radio] Wasiirka Dekedaha,Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Burcadbadeeda Puntland Eng Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay in Puntland aysan waxba kala socon Heshiiska dhexmaray Dawladda Soomaaliya Iyo Shirkad Holland laga leeyahay.

Dawladda Soomaalya iyo Shirkadda Holland laga leeyahay ayaa 30.7.2013 heshiis ku gaaraya magaaladda Muqdisho,waxana la isku afgartay in Shirkadu ilaalin doonto Biyaha EEZ[the Exclusive Economic Zone] ee dalka Soomaaliya.

Wasiirka Dekeddaha Iyo Gaadiidka Badda Puntland Eng Siciid Maxamed Raage oo maanta Saxaafadda kula hadlaayey magaaladda Boosaaso ayaa sheegay in lagu hawlanaa sidii xal loogu heli lahaa amniga Baddaha Soomaaliya balse heshiiskan uu yahay mid ka hor imaanaya.

…””Waxay ahayd in xal loo helo Badda Soomaaliya oo lagu wada helo iyadoo dhammaan laga wada qeybqaadanayo sidii arrintaas wax looga qaban lahaa maaheyn maanta in la yiraahdo Shirkad baa la siiyey,….”””ayuu yiri Eng Siciid Maxamed Raage.

Shirkaddu waa faa’ido doon!!!

Eng Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay in Shirkad danteeda iyo faa’ideeda dooneysa aysan marnaba ilaalin Karin Badda Soomaaliya isla markaana ay tahay faa’ido doon.

…..””Waad la socotaan dalka maanta sidaas ah hadii la yiraahdo Shirkad danteeda iyo faa’idadeeda dooneysa Baddaas ilaali iyaga uun baa ka shaqeysanaya wax cid Soomaali ah loo qabanayo majirto,…””ayuu yiri.

Heshiis lagu degdegey!!!

Wasiirka Dekedaha,Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Burcadbadeeda Puntland ayaa tilmaamay in heshiiska dhexmaray dawladda Soomaaliya iyo Shirkada Holland laga leeyahay uu yahay mid lagu degdegay isla markaana ay wataan dad Shakhsiyaad gaar ah.

…..””Waxaan u arkaa heshiiskaasi heshiis lagu degdegay,heshiis dad shakhsiyaad gaar ah ay wataan,hawl farabadan oo aan muddo kusoo jirnayna wuxuu nagaga noqday caqabad,…..””ayuu yiri.

Hawsha ay qabaneyso Shirkadu!!

Shirkadda oo lagu magacaabo The Atlantic Marine and Offshore Group ayuu fadhigeedu yahay dalka Holland ayaa la sheegayaa in ay ilaalin doonto Xeebaha Soomaaliya iyo dib u dhiska Ciidamada Badda Soomaaliya isla markaana ay qaban doonto:

01.  Ilaalinta kheyraadka Dabiiciga ah.

02..  Ilaalinta Kalluumeysiga Sharci darada ah

03. . Ilaalinta iyo la socodka Badda Soomaaliya.

04.   Ilaalinta Xarumaha Ganacsiga Iyo Dekedaha.

05..  Ka hortaga qashinka halista ah ee lagu shubo Badda.

06.   Ka hortaga iyo Gargaarka Tahriibta.

 Ciidan baan leenahay Badda ah!!!!.

Waxa uu intaas ku daray Wasiirku iney Puntland leedahay Ciidan tababaran oo diyaar u ah ilaalinta Biyaheeda isla markaana ka hortageysa khatar kasta oo kaga timaada dhan kasta .

_____________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso
turrabi30@gmail.com

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles