Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Waftigii ka qeyb galayey wajiga labaad ee wada-hadallada DFS iyo Jubbaland oo maantey ka dhoofey Kismaayo

$
0
0
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag

Kismaayo[RBC Radio]Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maantey ka ambabaxay waftigii maamulka Jubbaland uga qeyb gali lahaa wada-hadallada u dhaxeeya Jubbaland iyo dowladda faderalka Soomaaliya kasoo wajigiisa labaad ka furmi doono magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Waftigaan waxaa hoggaaminayey madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag,iyagoona Jubbaland u matalaya wada-hadallada ay lagalayaan dowladda faderalka.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa inta uusan ka duulin Kismaayo warbaahinta kula hadley guddaha garoonka isagoona ka warbixinayey halka ay ku wajahanyihiin,waxaana uu sheegey in isaga iyo waftigisa ay tagayaan magaalada Addis Ababa si halkaasi ay uga qeyb galan wajiga labaad ee wada-hadallada dhex mari doona dowladda faderalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

…”"”Waxan tagi doona aniga iyo waftigeyga magaalada Addis Ababa halkaaso uu ka furmayo wajiga labaad ee wada-hadallada dhex mari doona dowladda faderalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland,waxana ka koobanahay dhoor xubnood oo uu maamulku u wa kii shey shirka…”"”ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Fartaag.

Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag waxaa uu sheegey in wada-hadallada dhex mari doona dowladda faderalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland iney yihiin kuwoo lugu soo afmerayo qilafka yar ee dhaxyaala iyo in is fahana lugu dhameeyo wax walba.

…”"”Wada-hadallada dhex mari doona dowladda faderalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland waa kuwo lugu doonayo in lugu xaliyo qilaafadka dhexyaala,waxkasna lugu dhameeyo isfahan iyo is afgarad…”"”ayuu yiri Fartaag.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale hadalkiisa kusoo qadey in ay rajaynayaan in kulanka ay ka soo bixi doonaan natiijooyin wax ku ool ah oo soo afjara kala aragti duwananaanshaah u dhexeeya dowladda iyo Jubbaland ee ku saabsan arrimaha Jubbooyinka.

Ugu danbeentina waxaa uu hadalkisa kusoo xirey madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag inuu rajeeno in isfahan dhow uu dhexmaro dowladda iyo maamulka Jubbbaland,waxan uu rajo ka muujiyey in wada hadaladooda ay guul karajenayaan.

Wajigii koobad ee wada-hadallada dhex marey dowladda faderalka iyo maamulka Jubbaland ayaa la sheegey inay is afgarad uu kusoo dhamadey iyagoona ku balamey shirar kale oo lugu xalinayo arrimaha dhex taagen dowladda iyo Jubbaland.

Wada-hadallada wajigooda labaad ayaa lugu wadaa inuu furmo 18-bishaan an kuguda jirno.

________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles