Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Hargeysa (RBC)- Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland Md Xasan Ciise Jaamac ayaa ayaan daro ku tilmaamay ka qayb galka shirka London, kaas oo daaha ka rogay in shir gudoonka uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud.
Md Xasan Ciise Jaamac oo haatan ahaa gudoomiyihii ururkii Xaqsoor ee dhawaan shaaciyey in lagaga shubtay doorashooyinkii golaha deegaanka ayaa sidaas ku sheegay mar uu maanta aqalkiisa ugu waramaayey warbaahinta.
Xasan Ciise waxa uu intaas ku daray in aanu madaxweynaha Somaliland mudnayn in lagu taageero go’aanka uu ku qaadacay shirkaas, waxaanu taas ku sababeeyey iyada oo go’aankaasi ahaa mid cid kastaaba gaadhi karto kaligeed.
“Waan maqlay in madaxweynuhu uu yidhi ka qayb galimayno shir, waanu ku hagaagsan yahay, laakin maaha mid walaa madaxweynaha walaal cid kale lagu hambalyeyo, mana ah mid mudan ama lagu amaano. Sababtoo ah tani maaha mid garasho iyo geenimo u baahan maaha”
Mar uu ka hadlaayey shirkaasi bisha May ee fooda inagu soo haysa lagu qaban doono magaalada London waxa uu xusay in aanu ahayn Somaliland iyo Somalia loo qabanayo, balse uu yahay mid u gaara Somalia
“waxa weeyaan shir la yidhi Somalia ayaa loo qabanayaa oo danaheeda ayaa loo qabanayaa. Marka madaxweynaha Somaliland inta uu tago ayuu farta taaga oo uu yidhaahdaa madaxweyne ma hadli karaa oo uu ka fasax qaataa madaxweyihii Xamar, maaha mid dhici karaysa taasi”
Si kataba ha ahaatee siyaasiyiinta Somaliland ayaa ku kala aragti duwan go’aanka madaxweynaha dhawaan ka soo yeedhay, kaas oo ay xataa bulsho weynta reer somaliland dareeno kala duwan ka bixiyeen.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Hargeysa-Raxanreeb