Jowhar(RBC Radio) Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa dhawaan si rasmi ah looga bilaabayaa dayactir dib loogu hawlgalayo garoonka oo aan in muddo ah shaqeynin magaalada Johwar ayaa waxaa dhawaan gaaray Injineero dib u dayactir ku sameyn doona gagida diyaaradaha magaalada Johwar si uu garoonku u noqdo midey adeegsadaan bulshada gobolkaas.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa maanta kormeer ku tagay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar wuxuuna sheegay in maalmaha soo socda si sarmi ah xariga looga jari doono dib dayactirka garoonka magaalada oo aysan xiligan diyaaraduhu adeegsan kadib burbur lixaadleh oo soo gaaray mudooyinkii danbe oo aan la adeegsan.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in garoonka ay dhibaato soo gaartay xiliyadii ay ururka alshabaab gacanta ku hayeen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose wuxuuna tilmaamay iney lagama maarmaan tahay dib u hawlgalin hawlaha garoonku uu bulshada u hayey wuxuuna sheegay in shacabku ay baahi weyn u qabaan helida adeegyadii garoonka Jowhar.
Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ayaan la isticmaaleen muddooyinkii u danbeeyey waxaana la sheegayaa inuu ka muuqdo burbur iyo dayac weyn oo soo gaaray xiliyadii ay alshabaab ka arimanayeen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe sida uu sheegay gudoomiyaha gobolkaas Cabdi Jiinow Calasow.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho