Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Somaliland oo ka hadashay Fasaxaadda Hubka iyo hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya

$
0
0

Hargeysa (RBC):- Mucaaridka iyo Masuuliyiinta Somaliland, ayaa ka hadlay, isla markaana cambaareeyey go’aanka dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya loogu fasaxayo Hubka oo ay Cuna-qabatayni ka saarnayd illaa iyo horraantii sagaashamaadkii.

Hase-yeeshee cunaqabataynta dhinaca Hubka ee laga qaadayo Soomaaliya, ayey Somaliland ku tilmaantay mid fawdo gelin kara dalka Soomaaliya, isla markaana sahli kara in hubka hadda gacanta shacabka ku jira mid ka badi geli karo, taasina ay keeni karto in qabiilooyinka isu adeegsadaan, isla markaana ay mar kale Soomaaliya ka abuurmi karaan hoggaamiyo kooxeedyo.

Guddoomiye Ku-xigeenka golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, oo arrintaa ka hadlay waxa uu yiri; “Horta shirka london hadii uu yahay mid ay wada leeyihiin oo ay isku soo hor fadhiisanayaan labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya waanu ka qayb galaynaa waxaana  halkaa lagasii wada amba qaadi doonaa wada hadaladii hore ugu bilawday labada dal,hadiise sida imika la sheeg sheegayo uu yahay shir u gaara Soomaaliya oo uu Madaxwaynaha Soomaaliya hogaaminayo anagu kama qayb galayno ka u gaar ka ahina Somaliland  ma quseeyo markaa shirkaa intaasaan kaga baxayaa ka hadalkiisa.”

“Horta Hubku waa waxa Soomaali baabbi’iyay  ee kala kexeeyay. Ta labaad dadka Soomaaliyeed waa Beelo, markaa dawladda maanta ka jirta Soomaaliya-na Beeluhu uma dhamma. Markaa, kolka ay Qaramada Midoobay iyo dawladaha caalamku ka hadlayaan Hubka Soomaaliya hawl ka wayn ayaa u taalla oo dib-u-dhis ah.” Sidaa ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

Guddoomiye Ku-xigeen Baashe, waxa uu sheegay in dhawaaqa Qaramada Midoobay ku doonayso inay cuna-qabataynta Hubka laga qaado Soomaaliya ay la mid tahay Beelo Hub la isugu dhiibay oo kale, waxaanu yiri; “Caalamku marka ay leeyihiin cuna-qabataynta Hubka ha-laga qaado Soomaaliya ma Beel ayay Hubaynayaan oo waxay doonayaan in halkaa uu xasuuq kale ka bilaabmo iyo dhiig kale oo data?  Markaa, waxaa habboon haddii Soomaaliya Hubka loo fasaxayo in Somaliland-na Hubka loo fasaxo oo ay la soo degto. Laakiin, Muqdisho Hubka ha loo fasaxo waxaan u arkaa in ay tahay tallaabo qaldan.”

Waxa kale oo uu Guddoomiye ku-xigeenka golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo ka mid ah xubnaha Guddigii Somaliland u metalaysay wadahadallada Soomaaliya u furmay sannadkii hore, ayaa sheegay inaanay jirin wax qoraallo ah oo ku saabsan arrinta wadahadalka oo dhex-maray dawladda faderaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda Somaliland.

Guddoomiye ku-xigeen Baashe oo waraysi caawa siiyey VOA laanteeda Af-Soomaaliga, ayaa beeniyey hadal Madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay inay jiraan dedaallo iyo qoraallo ku saabsan sii waditaanka wadahadallada oo uu Xasan Sheekh Maxamuud sheegay inay is-weydaarsadeen madaxda Somaliland.

Geesta kale, Madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyey ee ay Somaliland yeelato sannadihii 1991-kii illaa 193-kii Xasan Ciise Jaamac oo hadda ah Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedkii XAQSOOR oo ka mid ahaa Ururradii ku guul-darraystay doorashadii dawladaha hoose ee Somaliland ka qabsoontay 28-kii November 2012-kii, ayaa sheegay in cuna-qabataynta Hubka oo laga qaado Soomaaliya ay ka sokow nabadgelyada Soomaaliya Qatar ku tahay Somaliland.

“Waxa nasiib-darro ah inaanay Xukuumadda Somaliland ka hadal oo aanay ka diyaar-garoobin in golaha ammaanka ee Qaramada midoobay maalmaha soo socda laga qaado cuno-qabataynta xagga Hubka ee Soomaaliya. Haddii ay sidaasi dhacdo Hubkaasi waxa uu noqon karaa mid loo isticmaalo oo lagu soo weeraro Somaliland, sida ay ku hanjabeen qaar ka mida Madaxda dawladda Soomaaliya.” sidaa ayuu yiri Xasan Ciise Jaamac oo Hargeysa u warramay Warbaahinta Hargeysa qaar ka mid ah.

Xasan Ciise Jaamac, waxa uu ku eedeeyey Xukuumadda Somaliland inay ka gaabisay ashkatooyin ay kaga dacwoonayso fasaxaadda Hubka ee dawladda Soomaaliya la filayo in golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay meel-mariyo. Waxaanu sheegay in Hubkaasi saamayn xooggan ku yeelan karo nabadgelyada dalka Soomaaliya laftiisa oo dhawaanahan ka soo raynaysay.

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Somaliland ayaa u muuqata mid aad u dhibsanaysa in Hubka loo fasaxo Soomaaliya, isla markaana laga qaado cuna-qabataynta labaatan-sano ku dhawaadka ka saarnayd dhinaca Hubka Soomaaliya, taasoo ka walaacsan marka la eego hadalka Masuuliyiintan inuu saamayn ku yeesho aminigeeda.

RBC Radio

Xafiiska Wararka ee Hargeysa.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles