Garoowe (RBC RADIO) 14 degmo oo ka mid ah Gobolada Puntland Puntland ayaa Maanta Tartan Qur’aan Akhris ah uga bilwday Masjidul Hudaa ee Magaalada Garoowe Waxaana Tartankani iska kaashada Shirkada Golis Telecom Somaliya Mu’asasada Alminhaaj iyo shirkado kale oo Bosaso ka dhisan waxayna Ardaydu ku tartamayeen 30ka Jus 20ka Jus iyo 1oka Jus ee Quraanka Kariimka ah.
C/Raxmaan Jaamac C/laahi Dayax oo ku hadlayay afka shirkada Isgaarsiinta Golis oo Abaabulka Barnaamijkan iska lahayd ayaa sheegay in Shirkada looga bartay Sanad walba in ay ka qayb qaadato sare u qaadida Qur’aanka Kariimka ah iyadoo kaalin mug leh siisa sidii looga farxin lahaa Caruurta Yar yare e ka qayb qaadaneysa tartanka si ay ugu dhiiradaan Xifdinka Qur’aanka.
“ Waxaan ku dadaaleynaa Sanada dambe ilmaha ku guuleysta Kaalimaha 1aad inaan Xajka u dirno ama ka bixino Heer Jaamacadeed iyo inaan siinno shaqooyin muhiim ah si ay usii wadaan xifdinta kalaamka Alle, waxaan ku boorinayaa Ganacsatada siiba kuwa Gobolka Nugaal oo fartu ku godan tahay in Sanada Dambe ay ka qayb qaataan khayrka kuna hormaraan hogaaminta iyo ka qayb qaadashada Tartanka Qur’aanka Kor loogu qaaayo oo dhamaantayo Ajar iyo wanaag inoo ah sidaana waxaa yiri Dayax oo ku hadlayay Afka Shirkada Gollis.
Wasiiru Dowlaha Maamul Wanaaga Puntland maxamed faarax Ciise Gaashaan oo isagana Afka Dowlada ku hadlayay wuxuu sheegay in Dowladu ay boqaadineyso Tartanada Noocaan oo kale ah kaalinteeda ay ka ciyaari doonto, wuxuu mudanuhu codsaday in Ardaydan Degmooyinka kala duwan laga keenay lagu soo wareejo Magaalada maadaama ay Caasimadi tahay si uu hadhaw u xuso in uu Soo booqday Magaalada Garoowe sidoo kalena la geeyo Xarunta Madaxtooyada oo ay lasoo kulmaan Madaxda arintaasi oo uu sheegay in uu soo fududeyn doono.
Tartanka ayaa socondoona mudo 3maalin ah waxaana ka qayb galaya 14 Degmo oo kala ah.Ufayn,Gal-Dogob,Buraan,Waaciye,Boosaaso,Dangorayo,Laas-Caano,Xarfo,Bali-Busle,Baran,Qardho,Garoowe,Carmo,Taleex.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe