Culumada iyo qaadka.
Dr. Abdirahman A. Warfa
aa_warfa@hotmail.com
Agoosto 03 2013
CULIMADA FIQIGA ARAGTIDOODA
Qaadkuba ugu horreyntii wuxuu ka soo galay dhinaca culumadii suufiyada ahaa, si ay diinta u bartaan ;fidiyaan dikriga eebana habeynkii ugu soo jeedaan. Qaadka waxaa looga keeni jiray galbeed mar mar isaga oo la qalajiyey lana shiidey, waayo dariiqyo fiican iyo gaadiid ma majirin . Markaa culumadu cuneysey qaadku aad uma fidin badanaa iyaga uun buu ku ekaa waxayna ula baxeen quud awliyo.
Wuxuu bulsada kale ku bilaabmey markii carabtu timid gaar ahaan yamanta, oo la arkay iyaga oo cunaya sidaana loo xalaashaday, madaama loo haysto in ay dad diinta nooga dhow ay cunayaan waa sida caamadu u aragto, weliba waxaa aad u cunay fanaaniinta oo weliba si anshax xumo ku jirto ugu fadhistay qaadka, halkaas oo dadka qaar ka boodeen ceebeeyeena cunistiisa.
Hadda sida loo cunaa faraha ayeey ka baxdey, habka qaadka loo cunaana waa mid aad u foolxum oo keentay anshax xumo, dhaqasho la’an,waajibaadkii adduunyo iyo diineed oo laga tago, iyo mustaqbal xumo dhalintii ku habsatay.
Arimahani waxaay dhaliyeen in qaadkaa iyo qaabka loo cunaba aad looga doodo, arintanna culimada muslinku aad bey isagu khilaafeen xukunka sharciga islaamku ka qabo. Culumada soomaaliyeedna sidaa si le’eg ayey isugu khilaafeen, culumada arintan ka hadasheyna waxay u kala baxeen sidan hoos ku qoran:-
Qaar badani waxay ku doodeen in uu xalaal yahay kuwa yamanta iyo suufiyadu ha u badnaadeene.
Qaar waxay yiraahdeen waa karaahiyo.
Kuwo kale waxay leeyihiin wuxuu xaaraan ku yahay arimaha la socda,ama uu dabada ku wato sida sinada, sigaarkaiyo dhaqaale burburinta; isaguse laftiisa ahaan waa xalaaloo xaaraan ma aha.
Qaybta afraad waxay leeyihiin oo qabaan in qaadku laf ahaantiisa uu xaaraan yahay madaama uu jidhka wax ka beddelayo dhibaatona keenayo.
Qayb kasta waxay isku dayeysa in ay qiil u hesho oo sharci ahaan meel bey isku dayeysa in ay cuskiiso sida ay iyaga la tahay, khilaafkaasi waa mid muddo taariikh ah soo jiitamayey welina meel laguma negeyn,
Ragga diidana in la xaaraantimeeyo markaan u kuur galay waxay u badan yihiin culumada Yaman oo beerta qaadka cunana iyo culumo kale een beeran laakiin aadka u cuna; culimada dalalka kale ee islaamu wey xaaraantimeeyeen qaadka iyaga oo cuskanaya isbeddelke uu jidhka ku yeelanayo iyo dhibaatooyinka uu wato ee diintu xaaraantimeysey.
Culimada soomaaliyed iyo aqoonyahannada waxaan ka rejeynayaa in ay arimaha qaadka meel cad iska taagaan muxadarooyin joogta ah na ka sameeyaan, qofka cuna waa in hoos loo eegaa.
Waxaa qoray
Dr. Abdirahman A. Warfa
=============
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM