Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maxkamada sare ee ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday ninkii ka danbeeyey dilkii Wariye Xasan Yuusuf Absuge

$
0
0

maxkamdMuqdisho(RBC Radio) Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday nin ay maxkamaddu sheegtay iney ku heshay inuu masuul ka ahaa dil Muqdisho hore loogu geystay Alla ha u naxariistee Wariye Xasan Yuusuf Absuge oo ka hawlgali jiray Idaacada Maxaliga Maanta ee ku taalla magaalada Muqdisho.

Go’aanka maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida ayaa waxaa warbaahinta u akhriyey afhayeenka maxkamadda sare ee ciidanka Col. C/llaahi Maxamed Muuse Kayse,wuxuuna tilmaamay in kadib baaritaan dheer,Cadayn iyo Marqaatiyaal ay maxkamadda u cadaatay in Aadan Sh Cabdi SH Xuseen uu fuliyey dilkii 21kii bishii September ee sanadkii hore Muqdisho loogu geystay Wariye Xasan Yuusuf Absuge isla markaane uu ninkani xubin ka yahay ururka alshabaab.

Col.Kayse ayaa tilmaamay iney hayaan caddeymo ku filan oo ay ka mid tahay Gabadh uu gurigeeda galay Markuu dilka geystay iyo shaatigii dhiiga lahaa oo ay ciidamadu lasoo qabteen,wuxuuna hoosta ka xariiqay in xukunka ay maxkamaddu riday uusan ahayn mid diyo ama si kale loo wajihi karo,wuxuuna shaaca ka qaaday in Isbuucyo gudahood lagu fulin doono xukunkaas.

Dhanka kale Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Jiinow Xasan Kulmiye  oo  ku eedeysnaa inuu isku dayay in xabsiga Dhexe uu ka sii daayo Nin ku xukunaa 8 sano oo xarig ah  kana tirsanaaa  kooxda Al Shabaab iyo fal dembiyeedyo kale ayey isne maxkamadu ku xukuntay 8 sano oo xarig ah,in laga qaaday darajadii Dhammenimo ee ciidanka asluubta iyo inuusan kamid noqon karin ciidanka Soomaaliyeed .

Labadan ruux  ee maxkamaddu ay maanta xukunka ku riday ayaa waxa hore xukun kan lamid ah ugu soo riday maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,waxayna xukunkaa hore kasoo qaateen Racfaan balse xukunkan ayaa ah mid kama danbays ah oo aan wax Racfaan ah laga qaadan karin.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles