Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dr Cabdiweli Gaas oo Shacabka Ugu Hambalyeeyey Sanadguurada 15-aad ee Aasaaska Puntland

$
0
0

Cabdiweli-Maxamed-Cali-Gaas33Adis Ababa[RBC Radio] Raysalwasaarihii hore ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Cali Gaas  ayaa Ummada reer Puntland u diray Hambalyo ku aadan Sanadguurada 15-aad ee Puntland.

Mudane Cabdiweli Cali Gaas oo ku sugan magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in uu bogaadin u dirayo Shacabka Puntland Puntland.

…”” Shacabka reer Puntland dibad iyo gudaba meeshey joogaan annigoo ugu hambalyeynaya Sanadguurada 15-aad ee kasoo wareegtay maalintii la aasaasay dal-udug oo ah dhulka aan wada jecelnaha dhammaanteen….””ayuu yiri Dr Gaas.

Wuxuu sheegay iney farxad tahay in maanta ay kasoo wareegtay Aasaaska Puntland muddo 15-sano ah isla markaana lagu talaabsaday horumar dhan walba ah.

….””” Waxaa runtii farxad ah in maanta ay kasoo wareegtay 15-sano oo dawladnima ah ay ka jirtay Puntland ayna gaartay horumar dhan walba ah mid Siyaasadeed,mid dhaqaale iyo mid Ijtimaaci intaba….””ayuu yiri.

Wax baa dhiman!!

Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in ka sakow in Puntland ay ku talaabsatay horumar ballaaran balse ay weli dhimanyihiin tallaabooyin dhanka horumarka loo qaado.

….”” Sidoo kale waxaa mudan in la xuso in ay wax badan dhimanyihiin loona baahanyahay in Puntland laga qaado meesha ay joogto lana gaarsiiyo meesha kuligeen aaminsanahay iney Istaahisho….””ayuu yiri.

Sidoo kale Mudane Cabdiweli Cali Gaas ayaa Ummada reer Puntland u rajeeyey in Sanadka sanadkiisa kale ay ku gaaraan Caafimaad,horumar,midnimo iyo nabadgelyo.

…..””” Waxaan rajenayaa in Sanadka sanadkiisa kale aad ku gaartaan Caafimaad,horumar,wadajir,midnimo iyo nabadgelyo waarta…””ayuu yiri.

Madax iyo dad magic ku leh geyiga Soomaaliya sida Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kasoo jeeda Puntland ayaa u diray hambalyo Shacabka reer Puntland Sanadguurada 15-aad awgeed.

 

_______________________

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles