Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Puntland Dr C/Raxmaan Faroole oo si toos ah iminka uga qudbeynaya Xarunta Madaxtooyada Garoowe oo ay ka socoto Munaasabada 1da Augost oo ku beegan markii la unkay Puntland oo 15 jirsatay ayaa sheegay in generaal cade muuse Madaxweynihi hore ee puntland uu soo abaabulay dagaalkii ka dhacay Magaalada qardho ee caasimada Gobolka Karkaar 14kii bishan oo ay dad ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen xili halkaasi la geeyey sanaadiigdii Doorashooyinka balse arintaasi lagu guul dareystay, isagoo sheegay in daliil cad loo hayo oo Masuuliyiinta amniga iyo Saraakiisha dowlada ay soo gudbiyeen in Cade uu arintaasi ka dambeeyey.
” Xaajiga Canada wuxuu uga soo dhoofay iyadoo dadkale ay la jiraan 2002 ilaa 2003 in uu carqaladeeyo Amaanka Puntland laakiin iyadoo waxba la weydiin lala xisaabtamin ayaa madaxweyne dalka looga dhigay wuxuuse ka doorbiday in markale uu ka shaqeeyo Amni darada dalkaasi aad ayaana uga xumahay in aan halkaan ka sheego ninkaa wuxuu sameeyey oo ah wax laga xishoodo walina aan waxba loo raacan sidaana waxaa yiri mudane faroole..
Madaxweyne faroole wuxuu tilmaamay in dowladu ay talaabo qaadi kartay ay arintaasi uga jawaabeyso hase ahaatee ay eegtay danta umada Reer Puntland iyo Amnigooda wuxuuna sheegay in talaabadaasi uu generaalku qaaday sida uu hadalka u dhigay ay tahay mid hoos u dhigeysa sharaftii uu ku lahaa sahcabka reer puntland deegaanadooda iyo Soomaliya inteeda kaleba sida uu yiri Madaxweyne Faroole.
Arintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo uu eedeyntaasi iska fogeeyey Generaal cade sheegayna in uu yahyay nin nabadeed oo aan ku dhaqmin waxyaabaha lagu tilmaamayo.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka garoowe