Garoowe (RBC RADIo) Xaflada oo si toos ah iminka uga socota Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garoowe waxaa kasoo qayb galay masuuliyiinta Puntland Isimo Wagarad wafuud ka socota hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah iyo Marti sharaf kala duwan, waxaa iminka lagu jiraa qaybihi suugaanta waxaana la filayaa goor dhaw in ay si toos ah u bilowdaan Qudbadihi kala duwanaa ee Madaxda.
Xarunta Madaxtooyada ayaa si weyn loogu xardhay Calanka Puntland iyo kan Soomaliya waxaana guud ahaan madaxtooyada qariyay ubaxyo iyo muuqaalo aad u bilic badan taasoo looguu talagalay in loogu qayb qaato munaasabada 1da Augost waxaana munaasabadan ay ka duwantahay kuwii hore iyadoo taasi ay keeneyso Xarunta cusub ee Madaxtooyada oo tii hore kabalaaran kana Bilicwanaagsan iyo habka loosoo diyaariyay munaasabada oo sidii hore ka gedisan.
Raxan-Reeb.com oo si toos ah Xaflada idinkaga soo tabinaya Xarunta Madaxtooyada wuxuu idiin balan qaadayaa in uu idinsoo gudbiyo Sawiro iyo warbixino kala duwan intay Munaasabadu socoto.
Xafiiska Wararka Garoowe
Ibraahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.